Sarkaal Sare oo Ciidanka Qaranka ka Tirsan oo Booqday Tuulada Saax dheer,Cod dheerna kula Hadlay Xukuumada Somaliland Daawo
Saax dheer 05.Sep 2014 (SDN/QJ)- Taliyaha qaybta 31-aad ee ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Gaashaanle dhexe Doolaal Faarax Cawaale, ayaa kormeer ku tagay fadhiisimadda ciidanka ee tuuladda Saax-dheer ee gobolka Sool, halkaasi oo dabayaqaadii toddobaadkii hore ciidanka qaranku ay ka eryeen kooxda uu gadh-wadeenka u yahay dagaal ooge Cali Khaliif.
Gaashaanle dhexe Doolal oo warbaahinta kula hadlay tuuladda Saax-dheer, ayaa sheegay in is-faham iyo wada shaqayn buuxdaa ay dhex martay dadka ku dhaqan degaanka magaaladda Saax-dheer iyo ciidanka qaranka ee halkaasi dagan, waxana uu tilmaamay inay ka wadda shaqaynayaan ilaalinta nabadgalyada.
Gaashaanle dhexe Doolal Faarax Cawaale,Taliyaha qaybta 31-aad ee ciidanka qaranka, waxa kale oo uu intaasi ku daray in sidoo kale ay ka wada ahdleen odayaasha iyo wax-garadka deegaanka Saax-dheer sidii amaanka loo ilaalin lahaa, isla markaana meel looga soo wada jeedsan lahaa kooxda nabad-diidka ah ee uu wato Cali Khaliif.
Saax dheer SDN/QJ
contact@qurbejoog.com