Sarkaal Katirsanaa Ciidamada Ethiopia Iyo Ciidan Uu Wato Oo Al-shabaab Isu Dhiibay
Afurow:June,30,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Deegaanno katirsan Gobolka Bay, sarkaal katirsanaa Ciidamada Ethiopia ee kamidka ah Xoogagga AMISOM, ayaa iskudhiibay Ciidamada Al-shabaab ee Halkaas ka dagaallamaya.
Sarkaalka is dhiibay, ayaa la sheegayaa inay la socdeen ugu yaraan afar askari oo kale waxana ay isku dhiibeen cutubyo shabaabka katirsan oo ku sugan deegaanka Afurow ee Gobolka Bay.
Sarkaalkan iyo ciidamada la socday, ayaa la sheegayaa inay wateen hub tiro badan, isla-markaana ay wateen hal gaadhi oo ka ciidamada ah.
Ma jiro warar dheeraad ah oo dhinacyada is haya kasoo baxayaa, waxase la filayaa inay shabaabku dhawaan soo bandhigaan saraakiishan kusoo biirtay.
SDN/QJ