Sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka oo sheegay in dalkiisu aanu Iran iska hortaagi karin Nuclearka
Washington Feb 26,2012(SDN)-Mas’uul sare oo ameerikaan ah ayaa sheegay in Washington aanay awood u lahayn xiligan inay Iran ka mamnuucdo samaysashada hubka wax baabi’iya ee Nuclier-ka.
Taliye sare oo hore uga tirsanaa hogaanka Ciidamada maraykanka JameS Cathirine ayaa shaaciyey in hadii ay iran niyada ku hayso inay samaysato hubka Nuclier-ka aanay ameerikaanku diyaar u noqonayn inay is hor taagaan, maadaama Washington aanay awood u helayn inay hubka adduunka yaalla oo dhan wejiga u dhigto, isla markaana ay sanad walba dagaal kala kulanto wadan ka mid ah caalamka.
Taliyuhu waxuu kaloo hadalkiisa ku sheegay in israaiil lafteedu ay ku yar tahay inay qaaddo tallaabo ay Iran kaga hor istaagayso samaysashada hubka atoomikada, xitaa hadii ay weerar ku qaado xarumaha quwadda nuclierla ee Iran, balse weerarkaasi keeni karo inuu dib u dhac sanad ama labo ahi ku yimaado dhamaystirka quwad ciidan oo Nuclier ah oo iran yeelato.
SDN-Washington