Sarkaal Hore Maraykanku Duldhigay Madaxiisa $3-million oo Dollar Oo Dawladda Isu Soo Dhiibay
Ceelwaaq:Dec,28,2014(SDN/QJ)-Sarkaal xil sare kasoo qabtay Ururka Al-shabaab, magaciisana lagu sheegay Sakariye Axmed Xirsi, ayaa ugu dambayntii soo galay Gacanta Xukuumadda, kaas oo lagu doonayey Lacago Malaayiin Dollar ah.
Sarkaalkan ayaa shalay Aroortii hore laga soo qabtay Aqal ku yaalla Gudaha Magaalada Ceel-waaq ee Gudaha Gobolka Gedo, waxana la sheegayaa inuu wada-hadal muddo socday la lahaa Saraakiil xukuumadda ka tirsan.
Gudoomiyaha degmada Garbahaarey ayaa xaqiijiyay in Hogaamiyahan oo watay gaadhi ay isaga iyo darawalkiisa iska soo dhiibeen degmada Ceelwaaq, kadib markii uu in muddo ah ku dhuumaaleysanayay buuraha Gobolka Gedo.
“Waxaa maanta(shalay) isa soo dhiibay Zakariye Ismaaciil oo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii Al-Shabaab oo ahaa raggii Mareykanka madaxiisa ay lacag saareen, Zakariye waxaa uu u xilk saarnaa Al-Shabaab dhanka dhaqaalaha, waxaa uu in muddo ah ku jiray buuraha Gedo oo uu ku dhuumaaleysanayay, maanta ayuuna isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan Ceel Waaq”ayuu yidhi Gudoomiye degmada Garbahaarey oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.
Zakariye Ismaaciil Xirsi ayaa ka mid ahaa todobo Hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo uu Mareykanka madaxooda dul dhigay lacago malaayiin doolar ah sanadkii 2012, waxaana uu ku magacawnaa Madaxa Sirdoonka Al-Shabaab.
Si gaar ah waxa sarkaalkan madaxiisa u dulsaarnaa $3-million oo lacacgta Maraykanka geeri iyo Nolol ah.
Gudoomiyaha degmada Garbahaarey ayaa sheegay in Hogaamiyahan ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda ee ku sugan Ceel Waaq, waxaana uu xusay in isa soo dhiibitaankiisa ay qeyb ka tahay cafiska ay dowladda Soomaaliya u fiday Saraakiisha ka tirsan Al-Shabaab.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in sarkaalka loo soo qaado magaalada Muqdisho, sii Hey’adaha ammaanka dowladda ee fadhigooda yahay Caasimada ay ula wareegaan ammaankiisa.
SDN/QJ