Sarkaal Boolis ah Xaaskiisii Ku Khaarajiyey Muqdisho
Muqdisho:July,10,2014(SDN/QJ)-Midka ka mid ah Ciidamada Booliska Somalia, ayaa Habeenkii xalay magaalada Muqdisho ku khaarajiyey Xaaskiisii kadib muran dhex maray, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen Dadkii Goob-joogayaasha ahaa.
Ninkan Xaaskiisa Dilay ayaa la sheegay inuu ahaa Sarakaal sare oo ciidanka ka tirsan, waxana uu Dilkaas u adeegsaday rasaas, iyadoo dadkii La deriska ahaa xaqiijiyeen inuu labada Qof soo kala dhex taagnaa muran muddo badan soo jirey.
Goob-joogayaasha ayaa sheegay inay kusoo baraarugeen qeylo iyo rasaas, waxa ayna Tilmaameen in Haweeneydaasi lagu magacaabi jiray Sahra Maxamuud, waxaana la xaqiijiyay in Qoriga lagu dilay Marwadaasi ay iyadu u keentay ninkeeda.
Sarkaalka dilay Marwadiisa ayaa waxaa lagu sheegay magaciisa Cali Mahdi, waxana dilka ka dib gacanta ku dhigay Ciidamada Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Duruufaha Nololeed ee adkaaday ayaa marmarka qaarkood keena in xaasaska is qaba uu dagaal gaadhsiisan qudh-gooyo uu dhex maro, waxana inta Badan Kiisaska Noocan oo kale ah lagu arkaa Meelaha Soomaalidu deggen tahay oo dhan.
SDN/QJ
Contact@somalidiaporanews.com