|

Sarkaal Ajanabi ah oo ka mid ahaa ISIS oo la qabtay

Bossaso July 25, 2024(QJ)-Taliska Ciidanka Birmadka ee Puntland (PSF) ayaa soo bandhigay Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsanaa Kooxda Daacish, kaasi oo laga soo qabtay Buuraha Calmis ee Gobolka Bari.

Sarkaalka Ajnabiga ah ee ay qabteen Ciidamada Puntland ayaa kasoo jeeda Jaziirada Zanzibar, waxaana magaciisa lagu sheegay Cimraan Maxamed Calawi.

Sida lagu sheegay qiraal la duubay oo loo turjumay afka Soomaaliga, Cimraan Maxamed Calawi ayaa bixinaya xogta kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.

Maxbuuskan oo lagu magacaabo Calawi ayaa qirtay in uu ka tirsan yahay kooxda argagixisada ah ee Daacish uuna ka qeyb galay dagaalo u dhaxeeya Daacish iyo Al-Shabaab. Waxa uu intaasi ku daray in Maleeshiyaadka Daacish ee ku sugan deegaanka Almis ay u badan yihiin Ajaanib.

Cimraan Maxamed Calawi ayaa yiri “Daacish waxay u badan tahay Ajaanib ka yimid Itoobiya, Malawi ayaan soo arkay, qaar Yemen ka yimidna waan arkay, Soomaali waa yar tahay, Ajaanib ayaana u badan” ayuu yiri Cimraan Maxamed Calawi.

Sarkaalkan ka tirsanaa Daacish ayaa sidoo kale xusay in la qabtay kadib markii uu ka badbaaday duqeyntii ugu dambeysay ee lagu bartilmaameedsaday Daacish, kaasi oo ka dhacay meel u dhow Qandala 31-kii bishii May ee sanadkan.

Comments are closed