|

Sarakiil ka tirsan cidamada Turkiga iyo Soomaaliya oo kulmay

Muqdisho October 28, 2024(QJ) -Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa maanta la kulmay wafdi heer sare ah oo ka socday dalka Turkiga oo uu hoggaaminayay ku xigeenka agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga Sarreeye Gaas Soner Oruçoğlu.

Wafdiga ka socda Turkiga oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ku takhasusay horumarinta ciidamada ayaa Muqdisho u yimid sidii ay ugala hadli lahaayeen sare u qaadida tayada ciidamada Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray taageerada joogtada ah ee Turkiga uu ka geysto dhismaha, tababaridda, iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ah goob uu Turkigu kaalin muuqata ka qaatay.

Janaraal Muxyadiin ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Turkiga, waxa uuna ballan qaaday in Soomaaliya ay si wanaagsan uga faa’ideysan doonto tababarada iyo agabka ciidan ee Turkiga uu ku xoojinayo ciidamada.

Comments are closed