Saraakill Sar sare oo ka tirsan ciidamada Nigeria oo lagu helay denbiyo la xiriira in ay hubeeyeen Boko Xaaraam
Abuja June 04, 2014(SDN/QJ)-Saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada dalka Nigeria ayaa maxkamadi ku soo oogtay in ay hubeeyeeb kooxda axagjirka ah ee Boko Xaraam.
Saxaafada dalkaas ayaa shaacisay in toban general iyo shan kale oo ah saraakiil sare oo ciidamadaa ka tirsan ayaa maxkamadu dacwadooda dhegeysatay isla markaana ku heshay denbi ahaa hubeynta Boko Xaraam.
Dawlada Kenya ayaa warbixintaas beenisay, waxaana arintani ay daba socotaa warixino hore oo tibaaxayay in saraakiisha ciidamada Nigeria ay hub ka iibiyeen Boko Xaaraam.
Saraakiishan maxkamada ciidan la hor geeyay ayaa sidoo kale waxa lagu eedeeyay laguna helay in ay kooxda Boko Xaraam ka iibiyeen xogo ciidan.
Saraakiishan ayaa xukunkan ku dhacay loo gudbiyay taliska ciidamada ee Abuja si ay u xukmiyaan ciqaabtooda.
Beesha caalamka ayaa ku baraarugtay kooxda Boko Xaraam kolkeey dugsi ka afduubatay 300 oo gabdhood oo ilaa iyo haatan ay afduub ku heystaan.
SDN/QJ-Abuja
contact@somalidiasporanews.com