|

Saraakiisha Kenya oo u goodisay Al Shabaab iyo kooxaha qaraxyada ka geystay dalkeeda

Nairobi Feb 18 2013 (SDN)— Saraakiisha dowlada Kenya,ayaa shaaca ka qaaday in weerarada qaraxyada ah ay ku siibadanayaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalooyin muhiimka ah ee waqooyiga dalkaasi. 

Ngatia Iregi, oo sarkaal ku xigeen dhanka waaxbaarista danbiyada ayaa sheegay inay heleen meydka shaqsi iyo labo bistoolad,kuwaasi oo ay ka heleen Magaalada Gaarisa ee maamulka Gobolka NFD,kadib markii habeen ka hor halkaasi uu qarax ka dhacay. 

Meydka ninka dhintay ay ku sheegeen Saraakiisha maamulka Gaarisa in uu ka mid ahaa Ururka Al-shabaab,kaasi oo doonayay inuu dilal qorsheysan u geysto madaxda dalkaasi gaar ahaan kuwa iminka u tartamaya xilka Madaxtinimo ee dalkaasi. 

Mr Iregi,ayaa hoosta ka xariiqay in gacan bir ah ay ku qabanayaan dadka falalka amaandari ka wada gudaha wadanka Kenya,isagoona hadalkiisa intaasi ku daray in si weyn loo adkeyn doono ammaanka dalka xilli ay soo dhowdahay doorashado lagu wado in Bisha March ay ka bilaabato dalkaasi. 

Wuxuu hanjabaad u jeediyay Sarlkaan ka tirsan waxbaarista danbiyada dagaalka Kenya,dagaalyahanada Ururka Al-shabaab sida uu sheegay ee wali ku sii dhiiranaya dhibaatooyinka ay ka geysanayaan gudaha wadanka Kenya,waxuuna shaaca ka qaaday in dhalinyaradaasi ay gacanta ku dhigi doonaan islamarkaana marsiin doonaan sharciga dalkaasi. 

Hayeeshee marar badan ayaa madaxda dalka Kenya ugu sareysa waxay ku celceliyeen in la adkeeyo ammaanka xiliga doorashada lagu wado inay dhacdo.

SDN-Nairobi 

Comments are closed