|

Saraakiisha Amaanka ee Uganda iyo Jaaliyada Somalida oo Shir ku Yeeshay Maanta Magaalada Kampala

Kampala 19.October 2013 (SDN)- Jaalliyadda Soomaalida ah ee ku nool dalka Uganda iyo saraakiisha ammaanka ee dalkaas ayaa maanta magaalada Kampala ku yeeshay kulan looga hadlay sidii la isaga kaashaan lahaa sugidda ammaanka.

Entebbe-Airport-300x200Jaalliyadda ayaa saraakiisha nabadgelyada u gudbiyay cabashooyin ku saabsan cadaadis ay sheegeen in ay ciidamadu saareen Soomaalida gaadiidleyda ah iyo kuwa kasoo degaya garoonka diyaaradaha Entebbe ee Kampala.

Guddoomiyaha jaalliyadda Soomaalida ee Uganda, Xuseen Abuukar Xasan ayaa kulanka kaddib  sheegay in la isku afgartay gebi ahaanba arrimihii looga wadahadlay kulanka.

Dowladda Uganda ayaa heegan galisay ciidamadeeda ammaanka, si looga hortago weerarro argagixiso oo kaga yimaada Al-Shabaab oo ku hanjabtay inay weerarro ka fulin doonto dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Kampala SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed