|

Saraakiil Katirsanayd Maamulka Jubba Land Oo Lagu Laayey Qarax Miino Oo Lala Eegtay

Kismayo:Sep,17,2015(SDN/QJ)-Wararka ka imanaya Magaalada Kismayo ee Xarunta Maamulka Jubba Land, ayaa sheegaya in saraakiil maamulkaasi katirsanaa lagu laayey Qarax Miino oo meel qarsoodi ah lagu qariyey.

rarQaraxan oo ahaa Miino, ayaa la geliyay goob ay ku shiraan Saraakiisha ciidamada Jubbaland oo ku dhex taallo Xerada Shiirkoole ee magaalada Kismaayo, Xeradan waxa ay dacalka ku haysaa Madaxtooyada Magaalada Kismaayo.

Inta la xaqiijiyay laba Sarkaal oo ka tirsan ciidamada Jubbaland, ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo Saraakiil ah, sida uu Xaqiijiyay Maxamuud Qaalib Cali oo ah Madaxa ammaanka Magaalada Kismaayo.

Maxamuud Qaalib, ayaa sheegay goobta qaraxa la geliyay inay tahay meel ay ku shiraan Saraakiisha, wuxuuna su’aal iska weydiiyay sida qaraxa halkaasi lagu geliyay, inkastoo uu sheegay inay jiraan dad fududeeyay qaraxaasi.

Wararka ayaa sheegaya Qaraxa in la doonaayay in lagu dilo Taliyaha ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland Aadan Koojaar oo Xerada ku sugnaa, inkastoo uu ka bad baaday Qaraxaasi.

Saraakiil Maamulka Jubbaland ka tirsan oo qaraxa ku dhaawacmay ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibaayo.

Goobta Qaraxa uu ka dhacay ciidamada Maamulka Jubbaland, ayaa ku sugan waxaana Saraakiisha ay sheegayaan inay wadaan baadhitaan la xidhiidha sida qaraxaan halkaasi lagu geliyay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed