|

Saraakiil Ka Tirsan Xubnaha Golaha Ammaanka Oo Maanta Muqdisho kasoo Degi Doona iyo Cidda ay La Kulmi Doonaan

Muqdisho:Aug,13,2014(SDN/QJ)-Saraakiil sarsare oo ka tirsan Xubnaha Golaha ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa la filayaa inay maanta Booqasho ku yimaadaan Magaalada Muqdisho.

golaha ammaankaSida ay sheegayaan warar ay heshay Qurbejoog.com, booqashadan ayaa noqoneysa tii u horeysay oo Golaha Ammaanka ku yimaadaan, waxaana garoonka diyaaradaha ay kula kulmi doonaan Madaxda dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Xubnaha Golaha Ammaanka ee ay booqanayaan dalal ku yaal Qaarada Afrika, iyagoo goor sii horeysay tagay dalka Koonfurta Sudan oo xaalado bani’aadanimo iyo dagaalo ahli ah ay ka jiraan.

Kulamo albaabada u xidhan ayaa madaxda dowladda ay ku wada qaadan doonaan xubnaha Golaha Ammaanka, waxaana marka uu soo dhamaado ay warbaahinta u qaban doonaan shir jaraa’id.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo booqashadooda ah mid hal maalin ayaa marka ay dib ugu laabtaan Xaruntooda New York waxay ka soo saari doonaan warbixin la xidhiidha xaalada Soomaaliya.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed