|

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka oo Beeniyey in lagala Goostay Baabuur Tigniko ah

Ceerigaabo:3-sep-2013(SDN)-Saraakiil  Sar sare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa beeniyay warar sheegayay in Gaadiid Tikniko ah iyo Ciidankii watay-ba ay ka goosteen, isla markaana u galeen Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

ciidanka qaranaSidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inuu warkaasi ahaa been abuur ay qaar ka mid ah warbaahintu hubsiimo la’aan ku baahiyeen.

Maxamed Cabdiraxmaan Cali  oo ka tirsan Saraakiisha Saldhigga saddexaad ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Sanaag oo warkaa jiritaankiisa beeniyay, ayaa sheegay mar uu xalay u warramay Wariye Maxamed Bashiir Nuur Giriig oo ka hawlgala HCTV, in aanay jrin wax Gaadiid Tikniko ah iyo ciidan ka goostay Somaliland oo u galay Maamul-goboleedka Puntland, waxaanu farriin uu u diray warbaahinta oo uu ku sheegay in aanay arrimaha Ciidanka ka qorin warar aan sugnayn oo xaqiiqda ka fog.

 

Taliye Maxamed oo ugu horrayn ka jawaabayay jiritaanka Ciidanka iyo Tiknikada la sheegay in ay ka goosteen Ciidanka Qaranka ee gobolka Sanaag iskuna dhiibeen maamul-goboleedka Puntland, waxa uu yidhi; “Ma jiro Ciidan ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo u goostay Maamulka Puntland, laakiin waxaa jirta in Ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Sanaag ku sugan ay qaar ka mid ahi tageen magaalada Laas-qoray, deegaanka Laas-qorayna waa Somaliland  ee maaha Puntland iyo Soomaaliya toona, Ciidanka Qarankuna wuxuu u taagan yahay in ay tagaan meel kasta oo Somaliland ka mid ah, hadh iyo habeenna waxay heegan ugu jiraan Ciidanka Qaranku sidii ay u sugi lahaayeen Xuduudaha dalka Somaliland.”

 

Taliye Maxamed oo gaar ula hadlayay warbaahinta ayaa yidhi; “Warbaahintii warkaa qortay, gaar ahaan Wargeyska Foore oo warkan qoray caddadkiisii maanta (shalay) soo baxay, waxaannu uga fadhinaa in ay caddayntiisa keenaan iyo halka ay Ciidan iyo Gaadiid nagaga goosteen, waxaanan warbaahinta farayaa in ay ka dheeraadaan wararka been-abuurka ah ee wax u dhimaya Qarannimada Somaliland, isla markaana aanay waxba ka qorin arrimaha Ciidanka. Waxa kale oo aan u sheegaynaa Wargasykii warkaa qoray inuu dembi ka galay Ciidanka Qaranka Somaliland iyo degmada Laas-qoray  oo ah degmo Somaliland ka tirsan oo uu ku sheegay in ay tahay Puntland.”

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed