Sannad Wanaagsan Iyo Curashada Sannadka 1439 ee Tirsiga Islaamka ee Hijriyada oo Maanta Kowsatay & Somaliland oo Shaqaalaha dawlada fasaxday
Hargaysa 21. September 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Khamiista Maanta Kow ah Sannadka cusub ee 1439 ee Taariikhda Hijriyada,Waxaana Guud ahaan dunnida islaamka iyo gaar ahaan Somaliland maanta laga soo dhawaynayaa Curashada sannadkan cusub.
Shaqaalaha dawlada ayaa la shaaciyey inay maanta fasax ka yihiin hawlihii shaqo ee ay qaranka uga mas’uulka ahaayeen si loo weyneeyo Sannadkan Cusub ee maanta bilowday ee 1439 ee Taariikhda hijriyada.
Wasiirada Shaqada Iyo Arrimaha bulshadda Somaliland,Diinta iyo Awqaafta iyo Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawlada ayaa qoraalo isku ujeedo ah oo ay soo saareen waxay ku sheegeen in shaqaale-weynaha dawlada ay ku hambalyeynayaan bilowga sannadka cusub ee islaamka isla markaana ay maanta fasax ka yihiin shaqadii dawlada.
Hadaanu nahay Bah’da Qurbejoog waxaan Hambalyo u diraynaa Guud ahaan Akhristayaasha ku xidhan shabakadan meel kasta oo ay adduunka ka joogaan inagoo eebbe ka baryayna inuu sannadkan kiisa inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo.