|

Sannad Guuradii 31aad ee Maalintii Dhagax Tuurkii Uffo oo Hargaysa lagu Qabtay

Hargaysa 20.Feb (SDN    Maanta   waxa laga xusay xarunta Somaliland ee  Hargeisa maalinta dhagax tuurka oo ku began  20-ka bisha Febaury , xuska maanta oo ay soo abaabushay dalada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo oo ay ka qayb qaadanayeen, bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay hor kacayeen kooxda Baanboyda qaranka, ayaa socod ku maray qaybo ka mid ah waddooyinka caasimadda .

Munaasibadan oo ay dadweynaha Hargeisa kala qayb galeen Wasiirada Wasaaradaha dhalinyarada iyo Cayaaraha Cali Siciid Raygal  iyo Waxbarashada iyo Tacliinta sare Samsam Cabdi Aadan, Gudoomiyaha gudida la dagaalanka musuqmaasuqa Axmed Muxumud Madar  iyo xubno ka mid ahaa ururkii dhalinyaradda Uffo iyo marwadii Madaxweynihii hore Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Kaltuun Xaaji Daahir ayaa waxaa taallada Dhagaxtuurka la dhigay Ubax cas oo lagu xusayey Shuhadadii ku dhimatay halgankii dib u xoraynta dalka iyadoo ilaahayna looga baryey inuu janadiisii ka waraabiyo geesiyaashii naftooda u huray.

Kulan kooban oo lagu qabtay taaladda dhagaxtuurka ayaa Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali siciid Raygal oo halkaas ka hadlay waxa uu sheegay in maalintani tahay maalin qaran oon marnaba la ilaawi Karin qiimaha ay bulshada iyo qarankaba ugu fadhido, isaga oo sheegay inaanay dhici jirin in sida maanta aynu isugu soo baxnay aan la isugu soo bixi jirin, sanadkii kun sagaal boqol laba iyo sideetan kii  , oo ah maalintan aynu xusayno.

Wasiirku waxa uu bulshada Reer Somaliland ka codsaday inay ilaashadaan Nabad galyadooda  oo naf iyo maalba loo soo huray, isagoo  tilmaamay in xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inay ka go’an tahay waxa u qabadka dhalinyarada dhinac kasta oo ay tahay, diyaarna ay u tahay in shaqo abuur u samayso intii taagteeda ah, Dhalinyaradana wuxuu ka codsaday inay samir u yeeshaan marxalada uu wadanku marayo iyo wakhtiga ay u baahan yihiin isbedelada socda.

Hargaysa SDN.

Comments are closed