|

Sannad Guurada 5aad Ee Dilkii Kornayl Qaddaafi Oo Maanta Ku Beegan Iyo Codka Hadalkii Ugu Dambeeyey Noloshiisa Maalintii La Dilayay Oo La Helay

Hargaysa 21.October 2016 (SDN/QJ):- Xogo cusub oo warbaahintu ka heshay waddanka Liibiya ayaa tibaaxaya in Madaxweynihii hore ee waddanka Liibiya Colonel Mucammar Al Qaddaafi ii dardaarmay subaxnimadii ugu dambaysay ee uu gurigiisa ka baxayay ka hor intii aan la qaban ee aanay dilin kooxaha kacdoonka dalkaasi Liibiya ka waday markii uu socday kacdoonka shacabku.
Cajalad cod ah oo la helay ayaa muujinaysa codka Mucammar Al qaddaafi oo hadladii ugu dambaysay kula hadlaya xubno qoyskiisa ka mid ah sidoo kalena dardaarmaya.

qaddafiWaxaanu codkaasi yahay mid uu qoyskiisa kula dardaarmayay ka hor intii aan la dilin isaga oo codkan laga dheehan karo dhiirranaan iyo xamaasad weyn oo codkiisa ka muuqata.
Arrinka kale oo layaabka lehi waxa weeyi nuxurka hadalkiisa ugu dambeeyey oo uu Qaddaafi ku sheegayo in uu magaalada Sirt ee uu ku dhashay ee uu wakhtigaasi joogay doonayay in uu ka xoreeyo kooxaha kacdoonka waday oo magaalada hareereeyey oo cuno qabatayn saaray dadka ku nool waxaanu odhanayaa “Waxaan u baxayaa si aan xisaarka uga qaado Sirt waanan ku dhimanayaa”.
Waxa xusid mudan in Kornayl Qaddaafi la dilay 20-kii October oo shalay ku beegnayd, sanadkii 2011 kadib markii ay qabteen kooxo kacdoon dalkaasi ka waday isaga oo ay wakhtigaasi ku qabteen xaafad ka mid ah magaalada Sir tee uu ka soo jeeday ee ku dhashay, kadib duullaan dhinaca cirka ah oo ay halka uu joogay ku hayeen diyaaradaha dagaalka ee NATO.

Halkan ka dhagayso codka dardaaranka ah ee QADDAAFI

Comments are closed