Sanadguuradii 12naad ee 9/11 oo aan Mareykanka sanadkan la hadal heyn,maxey tahay sababtu?
NY Sept 11,2013(SDN)-Waxa aan sanad kan loo hadal heyn sanad guuradii 12aad ee ka soo wareegtay weerarkii ay Al Qaacida ku qaaday magaalooyinka NY iyo Washington sanadii 2001dii.
Weerarkaa oo loo adeegsaday duyuurado kuwa rakaabka ah ayaa waxa ku geeriyooday ku dhawaad afar kun oo ruux.
Sanadkan waxa hareeyay xuskii loo sameyn jiray weerarkaa iyo dagaalkii dheeraa ee ka danbeeyay ee la baxay la dagaalanka argegixisada colaada dalka Syria.
Mareykanka waxa warbaahinta heysta dooda ah in weeraro ciqaaba lagu qaado xukuumada Syria oo dadkeeda u isticmaashay sunta Serin loo yaqaano.
Waxaana meesha ka baxay dib u milicsigii iyo xusidii ay hore u lahaan jirtay maalinta madoow ee Sepember 11.
Ma cada in tani ay tahay Mareykanka oo ka caafimaaday muragadii maalintaa iyo in xaalada Syria uun lagu mashquulay.
Ma cada in xuskii caadiga ahaa lagy qaban doonooo goobihii duyuuraduhu ka dumiyeen rugtii ganacsiga aduunaka ee world trade centre iyo in kale.
Si ay tahayba maanta ayaa la kala ogan doonaa qorshaha dawlada Mareykanka ee xuska september 11.
SDN-NY
contact@somalidiasporanews.com