Sanaag: Muran Ka Taagan Maamulka Beenyada Iyo Go’aammo Guddiga Nabadgalyadu Soo Saaray
Ceerigaabo 08. September 2017 (SDN/QJ):- Waxa Muran ka taagan yahay Maamulka Beenyada uu Qaniga ku yahay Gobolka Sanaag ee Somaliland.
Ka Ganacsiga iyo Maamulka Beenyada Gobolka Sanaag ayaa waxa ka taagan khilaaf u dhexeeya Shirkado yaryar oo ay leeyihiin Muwaadiniin reer Somaliland ah iyo Dad kale oo iyaguna ku lug leh Beenyada.
Muwaadiniinta leh Shirkadaha yaryar ee iib-geeya Beenyada ka baxda Buuralayda Gobolka Sanaag, ayaa qaarkood doonayaan inay si Madax-bannaan uga Ganacsadaan isla-markaana ay keenaan Dad Ajaanib ah, si loogu helo Maalgeshi, balse waxa muuqda Isfaham la’aan u dhexeysa Shirkadaha yaryar qaarkood iyo Iskaashato shaqadeedu yahay Beenyada.
Khilaafkan ayaa dibadda u soo baxay Shalay, ka dib markii Guddiga Nabadgalyada Gobolka Sanaag soo saaray Go’aamo ay ka mid yihiin inaan Shirkadaha Yaryar ee Beenyadu aanay Gobolka keeni karin Dad Ajaanib ah ka hor Doorashada Madaxtooyada ee dhawaan ka dhacaysa Somaliland, go’aankaasi oo ku soo beegmay xilli laba Shirkadood oo Beenyada, Faleenka iyo Xamkaha ka shaqeystaa ay Ceerigaabo geeyeen Nin u dhashay Dalka Ingiriiska si ay u soo tusaan Goobaha Beenyadu ka baxdo.
Badhasaabka Gobolka Sanaag oo Go’aammadan ay soo saareen Guddiga Nabadgalyadu Warbaahinta u akhriyey ayaa sheegay in Go’aamadan lagaga hor-tagayo Nabadgalyo-darro uu xusay inay wadaan Shirkadaha Ceerigaabo geeyay Ninka Caddaanka ah “Waxaanu Go’aan ku gaadhnay in Labadaa Shirkadood aanay Gobolka keeni karin Dad Ajaanib ah oo Beenyada ku shaqo leh inta Doorashadu dhacayso, ka dib markii labadaa Shirkadood aanu muddo dheer ku aragnay hawlo Nabadgalyo-darro.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya Su’aal laga waydiiyey in Go’aankani yahay mid Gobolka Sanaag lagaga Mastaafurinayo Ninkan Caddaanka ah “Ninkanna waanu ogaanay inuu joogo (Gobolka), markaa Go’aanku wuxuu noqday in la joojiyo.”
Warbaahinta Gobolka Sanaag, ayaa sheegay in Go’aamadii ka soo baxay Guddiga Nabadgalyada ka dib, uu Gobolka ka soo baxay Ninkan u dhashay Ingiriiska ee ay Ceerigaabo geeyeen Labada Shirkadood ee Ganacsada Beenyada, Faleenka iyo Xamkaha ee Magacyadoodu kala yihiin, Somgum iyo Ismaciiliya.