SAMO-TALIS: Taariikhda iyo Talo-nabadeedka Xaaji Cabdi-Waraabe, Qalinka Siciid M Gahayr Qaybta 2aad
Amintii uu aabbihii geeriyooday waxa Xaaji Cabdi hooyadii dumaalay adeerkii Cilmi Yuusuf, oo sidoo kalena la wareegay xilkii caaqilnimada ee uu hayay Xuseen Yuusuf, waxaanay u dhashay shan carruur ah oo ay xagga hooyo Xaaji Cabdi ka walaalo ahaayeen. Milaygii uu geeriyooday Caaqil Cilmi Yuusuf, waxa jagadii caaqilnimada qabtay Xaaji Cabdi walaalkii oo da’ ahaan ka weynaa lana odhan jiray Nuur Xuseen Yuusuf “Nuur-Buqul”.
Disambar/1939-kii ayuu Alle oofsaday Nuur Xuseen, xilka caaqilnimona waxa loo cumaamaday Xaaji Cabdi Jenewari/1940-kii ee miilaadiga, kaasoo uu hayay illaa 1997-kii oo uu iskii ugu wareejiyay Caaqil Xasan Nuur Xuseen oo uu y adeer yahay. Xilligan waxa ku batay shaqada qaranka, da’diisuna waa ay korodhay. Xasan waxa uu xilkaas hayay ilaa 28/Noofember/2007 oo uu xaqi u yimi. Ka gadaal Xasan waxa talada loo dhiibay Caaqil Maxamed Nuur Xuseen “Bitijohor” oo 22/Noofember/2008 hoyday rasaas ay ku fureen shufto aan la aqoonsanayn isaga oo salaaddii arooryo ku tukanaya Aw Barkhadle. Wakhti xaadirkanna waxa jagada caaqilnimada haya Caaqil Maxamed Maxamuud Cali.
Waxyaabaha xusidda mudan ee la carrabaabi karo intii uu Xaaji Cabdi carruurta ahaa, ee ay da’diisu ka hoosaysay 11 sano, waxa ka mid ah in uu ahaa ruux aamusan oo aan bulshada iskii ugu tiraabin, marka qof kale la hadlo mooyaane.Astaantaasina waxa ay la-yaab ku ahayd jiilkii waayadaas la noolaa oo ay ku adkayd in ay tilmaan ka bixiyaan, waxna ka ogaadaan shakhsiyadda qof aamusan oo aan hadlin. Sidoo kale waxa adkayd in ay saadaal ka bixiyaan sida uu mustaqbalka noqon doono wiilkan yaraanta afkiisu juuqda ku gabay. Sifadan waxa uu ka bogsaday, farajna Alle u bixiyay bilaabayna in uu hadlo markii uu noqday kow iyo toban sano jir. Isaga oo ka hadlaya taas waxa uu yidhi “Cid wax i weydiisa maahee, maan hadal badnayn illaa kow iyo toban jirkaygii, Uur-bir baa la ii bixiyay, oo wuu calool adag yahay baa la yidhi”. Muddadii intaas ka dambaysay waxa uu noqday qof si togan ula nool bulshada, oo qawl iyo ficil labadaba ku buuxiya kaalinta ku aaddan.
Sifooyinka kale ee lagu yaqaannay Xaaji Cabdi kolkii uu yaraa waxa ka mid ahaa edaab iyo asluub toosan oo uu kula dhaqmi jiray dadka ay isku qoyska yihiin sida hooyadii, walaalladii, adeerradii iyo dadka kale ee ay isku deegaanka yihiin. Waxa uu ahaa wiil akhlaaq iyo dhaqan wanaagsan leh, oo aan dhib u geysan jirin uunka ku xeeran ee ay kulmaan hawl-maalmeedka nololeed. Wuxuu ahaa wiil deggenaan iyo dabeecad-wanaag u dhashay oo aan gardarro iyo adyad midnaba samayn jirin, laga eed sheegannin, afkiisa iyo addinkiisana laga nabad helo. Hab-dhaqankiisa qummanina waxa uu sababay in uu gacaltooyo ku abqaalo, oo ay soo dhaweeyaan qaybaha kala geddisan ee bulshadii ay bah-wadaagta ahaayeen.
Xaji Cabdi waxa uu ku koray nolol agoonnimo ah, waxaana gacan-qabtay, koriyay, jagadii aabbihiina u buuxiyay, si fiicanna u barbaariyay adeerradii rumaad oo kala ah Cilmi Yuusuf iyo Fadal Yuusuf. Waxa kale oo korintiisa qayb wayn ka qaatay Cabdi Cawad oo ahaa adeerkii inaadeer. Isaguna waxa uu si mug leh uga qayb qaatay dhismaha qoyskiisa, gaar ahaanna waxa uu qaybtiisii ka qaatay doorka ay dhallaanku ku leeyihiin hawl-maalmeedka qoyska oo ah in ay raacaan xoolaha. Muddadii uu Xaaji Cabdi raaci jiray xoolaha, waxa ay isaga iyo walaalladii ahaayeen kuwo ku caan-baxay masuuliyad iyo xoolo-ogaan ay kaga tilmaannaayeen reeraha ay dhex yaallaan oo lagu majeeran jiray. Waxa uu ku barbaaray masuuliyad iyo xil-kasnimo uu la hanaqaaday geeddiga noloshiisa.
Taas waxa uu dheeraa in uu illaa waayadaas ahaa qof nabadda jecel, colaaddana neceb, gardarrana aan ku kicin, iyada oo geelooda lagu soo weeraro, oo uu is-daafaco maahee aan duullaan noqonin.Isaga oo ka hadlaya sida uu illaa yaraantiisii ugu heellana ilaalinta ammaanka waxa uu yidhi “Sidaan u kacay, aniga oo dhawr iyo toban jira, oo geel la jooga, qorina haysta ayaa Faras na galay, waxaan ku idhi ha ku ridina xabbada, iyaga oo inagu rida maahee, nabadda weligayba waan ka talinayay sidaan u kacay, shirarka aan joogayna waa badnaayeen, taas caan ayaan ku ahaa”.Dhanka rafiiqa, waxa uu Xaaji Cabdi gole la fadhiisan jiray dadka ka ayniga wayn, ee aqoon, talo iyo waayo-aragnimaba ku biirin kara.
Agoonnimada ka sokow waxa uu nasiib u helay hagista iyo xannaanada hooyada ee lagama maarmaanka ah. Isaguna waxa uu ahaa wiil dhego-nugul, oo waalidka maqla inta taaggiisa ah, waajibkaas uu gutay iyo u-samafalka hooyada waxa uu ku kasbaday duco aan duugoobin. Qaayiba Faarax Shabeel oo Xaaji Cabdi hooyadii ahi waxa ay nolol ku gaadhay 106 sano, iyada oo haddu ka baxday taariikh ku siman 1971-kii. Toddoba iyo tobankii sanno ee u dambeeyay nolosheeda, waxa ay ahayd qof wayn, oo ay isugu darsameen xanuun iyo gabow ka xidhay hadalku waxaana xannaanadeeda iyo daryeelkeedaba dusha u ritay, mar kastana ka war hayn jiray, cid kalena aan ku hallayn jirin Xaaji Cabdi. U adeegista hufan ee hooyada waxa uu Xaaji Cabdi ku helay duco-waalid.
© Xuquuqda qoraalkani waxay u dhawran tahay qoraaga ku suntan.
La Soco Qaybta 3aad haddii Alle idmo
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com