Samafaleyaal lagu laayay maanta Matabaan
Matabaan Dec 23,2011(qurbejoog.com)-Waxa maanta gelinkii hore lagu dilay degmeda Matabaan sadex ruux oo u shqeynayay heyadaha gargaarka biniadaamnimo ka wada Soomaaliya.
Sadexdan ruux ayaa lagu toogtay goob barekacayaali ay ka sameysteen xero qaxooti oo markaana lagu quudiyo.
Sadexdan ruux ee maanta la toogtay laba ka mid ahi waxa ay u shaqeynayeen Barnaamijka Cunada Aduunka ee WFP.
Afhyeenka WFP oo xarunteedu tahay Nairobi ayaa ilaa iminka aan wax war ah ka soo saarin dhacdadan.
Kooxda Al Shabaab ayaa dhawaan 16 heyadood oo gargaarka ku lug leh dalka ka mamnuucay.
Shabaabku waxa ay heyadaha ku eedeeyeen in ay ku lug leeyihiin hawlo lidi ku ah diinta Islamka iyo Basaasnimo.
Ma jirto ilaa iminka cid sheegatay dilkan maanta ka dhacay degmeda Matabaan.
Qurbejoog-Matabaan