|

SALVA KIIR OO KA QAYB-GALAYA SHIR LOOGA HADLAYO COLAADDA DALKIISA OO BERRI KA FURMAYA ITOOBIYA

Hargeysa,16Aug,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir ayaa Ogolaaday inuu ka qaybgalo wadahadallada nabadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaha sokeeye ee dalkiisa ka socda, kaddib markii dhawaan ay Beesha Calaamku ku hanjabtay inay cunno-qabateyn ay saari doonto labada dhinac ee ku hardamaya dalkaas.

Hadal uu maanta Warbaahinta siiyay Madaxweyne ku xigeenka dalka Koonfurta Suudaan, Wani Igga ayuu ku sheegay inuu filayo in Madaxweyne Salva Kiir uu tegi doono halka ay Wadahadalladu ka dhacayaan.

Sidoo kale, Elia Lomuro oo isna ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda South Sudan ayaa in Salva Kiir uu ka Qayb-gelayo Wadahadallada lagu Qaban doono Dalka Itoobiya, balse wuxuu xusay inaysan Suuro-gal ahayn inuu Saxiixo heshiis nabadeed oo Rasmi ah illaa inta mucaaradka oo dhan ay xukuumadda kaga soo biirayaan.

“Kiir wuxuu tagayaa shirka si uu ugu sharraxo saaxiibadiis caqabada wajahaya heshiiskii nabadeed ee horay loo saxiixay, ka hor inta aan la saxiixin heshiiska kama dambeysta ah,” ayuu yiri Lomuro oo war-fidiyeenka kula hadlayay Jubba, isagoo intaas ku daray in Kiir uu gellinka dambe ee maanta safar ugu ambabaxayo Addis Ababa.

Xukuumadda Koonfurta Suudaan iyo Mucaaradka Dagaalka kula jira ayaa Waxay Beesha Caalamku Culeys ku Saaraysaa in shirka Berri ka furmaya xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa Heshiis kama dambeys ah, kaasoo soo Af-jaraya 20-bilood oo Colaado Sokeeye ay dalkaas ka socdeen, kuwaasoo lagu dilay boqolaal ruux.

Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan, Kiir ayaa horay u sheegay inuu shirka u soo diri doono ku xigeenkiisa, Maadaama ay kala jabeen Xoogagga Mucaaradka taasoo u Muuqata inaan la saxiixi karin heshiis kama dambeys ah.

Balse, Axadda maanta ah ayuu Go’aansaday inuu ka Qayb-galo Wadahadalladaas, kaddib markii uu Wada-tashiyo la sameeyay madaxda dalalka Gobolka, kuwaasoo maanta u tagay Addis Ababa ka Qaybgalka Wadahadalladan Nabadeed.

“Rajo wanaagsan ayaa jirta, waayo Dhammaanteen waxaanu doonaynaa Nabad,” ayuu mar kale yiri Lomuro oo ka jawaabayay su’aal ay wariyeyaashu weydiiyeen in Wadahadalladan lagu saxiixi doono heshiis iyo in kale.

Colaadaha sokeeye ee dalka Koonfurta Suudaan ayaa billowday bishii December ee 2013-kii, kaddib markii Salva Kiir uu ku eedeeyay ku xigeenkiisii hore, Riek Machar inuu isku-dayay inuu Af-gambiyo, tallaabadaas oo sababatay colaadaha sokeeye ee dalkaas ka socda.

Talaadadii lasoo Dhaafay ayay Saraakiil ka Tirsan Mucaaradka Dalkaas Sheegeen in ay ka go’een Hoggaamiyaha Mucaaradka Koonfurta Suudaan, Riek Machar.

“Riek Machar mar hore ayaa mucaaradka laga saaray, haddana ma hasyso Ciidammo isaga ka amar-qaata,” ayuu mar kale yiri Elia Lomuro oo intaa raaciyay. “Haddii ay noqoto inaan Saxiino Heshiis Nabadeed, Waxaanu la Saxiixanaynaa Dhammaan Kooxaha Dagaallada ku jira.”

Ugu dambeyn, kooxaha mucaaradka ah ee dalkaas ayaa la filayaa inay iyaguna soo gaaraan Addis Ababa si ay uga Qayb-galaan Wadahadallada Nabadeed ee ka Furmi doono Itoobiya Isniinta berri ah. Iyadoo Beesha Caalamkuna ay dhinacyada colaadaha dalkaas ka socda ku lugta leh ay cunno-qabateyn saarayaan haddii ay fulin waayaan heshiisyada nabadeed ee ay saxiixaan.

Si kasta ha ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 70% shacabka Koonfurta Sudan oo tiradoodu tahay 12-milyan oo qof inay xiligan u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo, halka 2.2 Milyan oo qof ay ka qaxeen guryahooda, ayna qaybo ka mid ah dalkaas ay Qarka u saaran yihiin inay macluul ka dilaacdo.

 

Comments are closed