|

“Saleebaan Waa siyaasi oo cid buu ka aargoosanayaa oo madaxweynuhuu ka Aargoosanayaa. raggaas ku xeeranina waa intii Hunguriga uun u ag joogtay ee aan wax kale oo dan ah….” Muj. Cali Gurey

Hargeysa:June,03,2015(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf(cali-gurey), ayaa ka hadlay Cago-jiidka ka muuqda Hirgelinta Heshiiskii dhawaan Axsaabta qaranka iyo xukuumaddu ku heshiiyeen iyo muranka ka taagan Dhawaaqa Guddoomiyaha Guurtidu ku daadafeeyey Go’aankaas.

cali gureyCali-gurey oo saxaafadda Xafiiska Xisbiga Ucid kula Hadlay, ayaa sheegay inay xisbi ahaan dhaliyeen Tallaabada Axsaabta qaranku  heshiiska ku gaadhay, waxana uu intaas ku daray in Xisbiyada mucaaridku yihiin kuwa sameeyey Tanaasulka ugu badan ee cidi samasay,   “Madaxweynaha Ucid Baa kusoo qancisay inuu wada-hadal iskugu yeedho Axsaabta, waana kii wada-hadalka ku baaqay, Gogoshana isagaa fidiyey. Marka aynu wada hadalnana inta badan waxaynu gaadhnaa aynu marka dambe isku raacno waana la gaadhay, waxana aan qabaa in Tanaasulka ugu badan ay labada xisbi ee mucaaridka ahi ay bixiyeen, markii ay oggolaadeen in doorashadii bishan imika aynu ku  jirno ee June 26-keeda qabsoomi lahayd ay oggolaadeen in loo riixo bisha sanadka dambe bishiisa ugu dambaysa, waxana aan u malaynayaa in mucaaridka halkaas meel kasii dambaysa oo looga sii durkin karaa aanay jirin.” Ayuu yidhi Mujaahid Cali-gurey.

Waxa uu Cali-gurey sheegay inay Xisbi ahaan sugayaan in Komsihanka Doorashooyinku  Bishan gudaheeda soo saaran Cayimaadda Maalinta Doorashadu dhacayso, waxana uu yidhi,

“Waxanu sugaynaa inta ka horraysa 26-ka June ee aynu ku jirno in Komishanka doorashooyinku si rasmi ah u cayimo Taariikhda Doorashada, madaxweynuhuna uu Degreeto kusoo saaro.”

Waxa uu Cali-gurey sheegay in Muddo-doorasheedka ay Golaha Guurtidu ku adkaysanayaan tahay mid aan Xisbiyada waxba ka khusaynin, waxana uu dhaliilo culus dusha ka saaray Guddoomiyaha Guurtida oo uu sheegay inuu is hortaagi Karin wixii xisbiyadu ku heshiiyeen“Doorasho ay Saleebaan Gaal iyo Guurtidu qabsanayaan 2017-Ka iyagay u taallaa cidda ay u qabanayaan ee tartamaysaana iyagay utaallaa, Guurtida iyo Saleebaan waa Wax gaar ah, Waxa lagu heshiiyeyna waa Waxa Gaar ah Marshuuca Saleebaan iyo Guurtiduna kama  badna ku qabso ku qadi mayside, aniguna waxan idhaahdaa Lacagtii hore ee ay qaateen waa tii Uploading-ka, imikana waxay xag-xaganayaan waa Tii Down-loading-ka am aka noqoshada, Hadiise aanay kaba noqon oo aan Juuqba loo odhan Doorashada ay ciddii shaqadani khusaysay oo dhami ku heshiiyeen Saleebaan Gaal iska Hor taagi karo.” Ayuu yidhi Cali-gurey.

Waxa uu ku eedeeyey Guddoomiye Saleebaan inuu wado oo ku hawllan yahay aargoosi ka dhan ah Madaxweynaha qaranka, waxana uu sheegay inay dhegaha kaga ciyayaan Kooxo kale oo uu sheegay inay calooshooda u xoogsanayaan, waxana uu yidhi, “Saleebaan Waa siyaasi oo cid buu ka aargoosanayaa oo madaxweynuhuu ka Aargoosanayaa, dhinac qolaa daba socota oo raggaas ku xeerani waa intii Hunguriga uun u ag joogtay ee aan wax kale oo dan ah ka lahayn, waxana ka mid ah Ku-xigeenkiisa, Indho indho   Iyo cabdilaahi dheerahan waraaqaha u  qoraana kamid ah. Dal iyo dan ay ka Hadlayaana ma jirto, Markaa haddaanu shirqool intaas ka  fof ahayn oo saleebaan ujeeddo kale ka leeyahay  waxan qabaa in talada umaddu ay tahay wixii ay ku heshiisay in la hirgeliyo.”

Mujaahidka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi “Haddii uu Madaxweynuhu Bishan haddii uu komishanku maalinta soo saari waayo oo uu madaxweynuhu degreeto kusoo saari waayo waxanu u qaadanaynaa in madaxweynaha, xukuumadda iyo xisbiga  Kulmiye-ba ay ka baxeen wixii lagu heshiiyey.”

 

 

SDN/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed