Saleebaan Gaal oo Sifo Sharci Ah Kula Wareegaya Hogaanka Soomaaliland
Kadib Markii ay daba dheeraatey isqab-qabsiga gudaha xisbiyada siyaasada ku loolamaya hogaanka Somaliland. Isqabqabsigaas oo keeney in laggu xadgudbo sharciyadii asaasiga ahaa ee wadanka; sida xeerarka doorashooyinka, xeerarka hadalka masuuliinta xisbiyada siyaasada oo si cad ugu dhowaaqey in ayna aqoonsaneyn dawlada Siilaanyo lagga bilaabo maanta oo bishu tahey 26kii June 2015.
Sidaas awgeed waxa ay guurtidu awood dastuuri ah u leedahey in ay la wareegto hogaanka wadanka ilaa inta dawlad lasoo dooranayo. Waxa kale oo awooda guurtidu tahey in hogaanka guurtidu uu qabto xilka wadanka muddo labbo sanno ah.
Sidaas awgeed waxa dastuuri ah ama ansaxa in Mudane Saleebaan Gaal uu yahey Maanta lagga bilaabo madaxweynaha kumeel-gaadhka ah ee Somaliland ilaa inta doorashada lagga gaadhayo 2017.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Gudoomiyaha Golaha Siyaasada iyo Sharciga Somaliland
Abdi Kaara