|

Saldhigga Millateri: Socdaalka Madaxweynaha Ee Itoobiya, Codsiga Fadhiisinta Labada Gole, Filashada Qaddimaadda Heshiiska Iyo Kulankii Xalay Ee Qasriga

Hargaysa 08. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Warqad u qoray Shir-guddoonnada labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada, taas oo la sheegay inuu ugu sheegay inuu dalbanayo in Mudanayaasha labada Gole fadhi wada-jir ah isugu yimaaddaan 12-ka bishan aynu ku jirno.

Iyaddoo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Meel adag iska taagay Saldhigga Millateri ee Xukuumaddu Berbera ka siinayso dawladda Imaaraadka Carabta, Gudoomiyaha xisbiga UCID-na uu hore u shaaciyay taageeradiisa saldhigaa, ayaa dhanka kalena xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay Illo lagu kalsoon yahay  ay tibaaxeen in lagu wado in Madaxweynuhu khudbad sannadeedkiisa labadda gole uu kaga hadli doono arimo uu ka mid yahay heshiiska saldhigaasi.

Xogahaasi siday tibaaxeen, khudbad sannadeedka Madaxweynaha waxa qayb ka ah Saldhiggaa Millateri, isla markaana waxay tilmaameen in uu khudbadiisa kaga  dalbi  labadda gole meel marinta heshiiskaa, kaasoo aanay kala cadayn in loo sii gudbiyay shir gudoonka golayaasha iyo in loo bandhigi doono isla waqtiga uu Madaxweynuhu la hadli doono labada aqal.

Geesta kale, Xogahaasi waxay sheegeen, in Madaxweynaha iyo wefti uu hogaaminayaa  lagu wado inay socdaal ku tagaan magaaladda Addis Ababa maanta iyo berri  midkood, isla markaanna waxay xoguhu intaa ku ladheen in socdaalku salka ku hayo martiqaad ay ka heleen xukuumadda Itoobiya. Illaha aanu xogahan ka soo xiganay waxay tilmaameen in weftiga Madaxweynaha raacaya ay ka mid yihiin Wasiiradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, Arrimaha Dibedda Sacad Cali Shire iyo xubno kale, halka illo kale ay ka tibaaxeen in ay maanta tegayaan dalka Itoobiya Wefti uu hogaamin doono Wasiirka Madaxtooyadu, kaasoo ay xubnihiisa ka mid yihiin Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo xubno kale. Xogahaa uu Ogaal ka soo xigtay illahaa kala duwan ka sokow ma jiraan warar madax banaan oo kala xaqiijinaya jiritaanka arrimahaa oo ka soo baxay dhnacyada ay khusayso, isla markaana noomay suuragalin in aanu helo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo aanu xaqiijinta arrimahaa xidhiidh dhanka isgaadhsiinta ah kala samaynay.

Wasiirro iyo masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan ayaa marar kala duwan ka hadlay arrinta saldhiga millateri, kuwaasoo dhamaantoodba dooddoodu u dhacaysay in faa’iido wayni ugu jirto Somaliland, halka siyaasiyiinta mucaaradka qaar badan oo ka mid ahi ay ka dardaar weriyeen gelitaanka heshiis noocaas oo kale ah, kaasoo ay sheegeen in aanu dan u ahayn Somaliland. Hase yeeshee ilaa hadda xukuumaddu ma soo bandhigin heshiiska saldhigaa, isla markaana waxay hore u sheegtay in aanuu noqonayn qarsoodi ee ay hor gayn doonaan Baarlamaanka.

Dhinaca kale, ila-wareedyo xalay goor-dambe Wargeyska Ogaal helay, ayaa tibaaxay in Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanku ay la kulmeen Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay inuu kala hadlay sidii ay Golayaasha dhexdooda ugaga ololayn lahaayeen meel-marinta Heshiiska Imaaraadku ku doonayo Saldhigga Millateri ee Berbera, kuwaas oo la sheegay inuu kulankooda xalay ka soo shaqeeyey Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka tirsan Mudanayaasha Xisbiga Kulmiye ee Golaha Wakiillada. Inkasta oo la sheegay in Xildhibaannadaas Lacag fiican loo ballan-qaaday, haddana xogtu ma muujin xaddiga Kharashkaas.

Comments are closed