|

“Salaadiintu Waxay Doonayaan In Dawladda Dhisani Xanaanayso, Oo Aanay Hawsha Uun U Dirin…” Xaaji Cabdi-waraabe DAAWO

Hargaysa 02. November 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka mid ah Waxgaradka Samo-taliska ah ee Somaliland, ayaa dardaaran u soo jeediyey Musharraxiinta Saddexda Xisbi Qaran iyo Salaadiinta Dalka.

Xaaji Cabdi-Waraabe oo Shalay ka qayb-galay kulan uu Madaxweynuhu iskugu yeedhay Madax-dhaqameedka iyo Culimada Dalka oo lagaga Wada-hadlay adkaynta Nabadgalyada iyo sidii Doorashadu ugu dhici lahayd si Qurux badan, ayaa hadal uu halkaa ka jeediyey Xaajigu wuxuu ku sheegay in Dawladda dhisan looga baahan yahay inay Xanaanayso Salaadiinta, maaddaama oo ay inta badan ku jiraan Hawlaha Samo-talisnimo ee Qaranka ugu Xil-saaran yihiin.

Xaaji Cabdi oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Salaadiinta waxa ku dhisan Nabadgalyada, Salaadiintu waxay doonayaan in la xanaaneeyo, oo Dawladda markaa dhisani ay Xanaanayso, oo hawsha uun u dirine Xanaanadana loogu daraa Salaadiinta.”

Xaaji Cabdi-Waraabe wuxuu sheegay in Salaadiintu ahaan jireen Madaxweyneyaal, Cuqaashuna Wasiirro “Weligeedba Suldaanka ayaa Madaxweyne ahaa, Salaadiinta ayaa Madaxweyneyaal ahaa, Cuqaashuna Wasiirrada ayay ahaayeen, weligeedba sidaas ayay ahayd.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Salaadiinta waxaan leeyahay hadalkiinu waa meel mar, Nin walowba Halkaad joogto ayaad Madaxweyne ka tahay ee ku dedaala Nabadgalyada intaa Doorashadu dhacayso, debadeed iyo horteedba, Waayo? Nabadgalyada ayaynu Dawlad ku nahay.”

Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen wuxuu farriin dardaaran ah u diray Musharraxiinta Xisbiyada Somaliland “Saddex Nin ee Tartamayaa Saaxiib ha ahaadaan, ka helana ha u wada hanneeyeen, Ninka si wanaagsan u hanneeyaa weligiiba waa Madax, hadduuse Maxkamad iyo buuq iyo wax la yimaaddo isagaa is-riday.” Ayuu yidhi.

Comments are closed