“Salaadiintii iyo Gudidii Horumarintuba waxay ku Milmeen Siyaasada aynu Ka Xishoono Bulshada Somaliland” Maxamud Cumar Xaashi
Hargaysa 25.Dec 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi oo ka mid ah Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa sheegay in Guddida horumarinta Beelaha Sacad Musue ee HOODAALE ay ku milmeen loolanka Siyasadeed uu u dhexeeya Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaanu tilmaamay in Guddidan aan loo dirin Siyaasadd, balse loo igmadday horumarinta deegaanadda ay Beesha Sacad Muuse degto.
Xildhibaankan oo maanta ka hadlay Munaasibad lagu qabtay Magaaladda Hargeysa oo lagag soo hor-jeeday Go’aankii lagu taageeray Muuse Biixi Cabdi, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Somaliland dadkeedu nin waliba shaqo aanu lahayn ayuu qaataa, Guddidanna hawl ayaynu u diranay oo ahayd horumarin, wixii intaas dhaafsiisan iyo siyaasad baanu ka talinaynaa, beesha Sacad Muuse waxaan leeyahay waxaynu nahay beel weyn ee aynu ummadda reer Somaliland ka xishoonno , dadku kaligeen ma aha, dalka waa la inala leeyahay marka aynu wax ka hadlayno aynu dibada isula baxno oo aynu joojino warbaahintan aynu ka hadlayno iyo lacagtan la isku iibsanayo.Shirkii Agabar tawfiiq ayaynu kaga nimid, kuwa muwaafaqada iyo isku duubnideenna burburinayana ILAAHAY ha innaga qabto.”
Xildhibaanku waxa uu naqdiyay suldaanka guud ee Subeer Awal, waxaanu yidhi “Salaadiintu waa kuwa dhaqanka inoo haya, marka ugu dambaysana iyagaa la iskula yimaadaa haddii wax la garan waayo, Suldaanka guud ee Sacad Muuse ee leh siyaasad baan ka hadlayaa iyo hebel baan taageeray wali maynaan maqal aakhirul sabanka ayay ka mid tahay.Suldaanka guud anigu halkan ceeb uga soo jeedin maayo, laakiin toosin ayaan u soo jeedinayaa, waxaan leeyahay waxaad tahay suldaanka guud ee Habarawal, ma tihid kii Sacad Muuse, mana tihin mid Cabdalla Siciid ah, mana tihid kii Ismaaciil Jibriil.” Ayuu yidhi Xildhibaanku