Salaadiinta, siyaasiyiinta, iyo Hal doorka Beesha Arab oo Wax aan la qaadan Karin ku Tilmaamay Natiijadii Shirkii Kulmiye oo ay Ku Sifeeyeen Mid Xaaraan ah oo la Afduubay, naqdiyayna hadalkii muuse biixi DAAWO
Hargaysa 12.Nov 2015 (SDN/QJ):- Salaadiinta, Cuqaasha, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Beel weynta ARAB ayaa waxay xaaraan ku tilmaameen Afduubkii Shirkii shanaad ee Golaha dhexe Xisbiga KULMIYE, isla markaana waxay naqdiyeen hadal ka soo yeedhay Muuse Biixi Cabdi.
Sidaa waxay ku sheegeen Shirjaraa’id oo ay ku qabteen Huteelka Ubaxle ee Magaalada Hargeysa, waxaanay bogaadiyeen Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) geesinimada iyo jiritaanka Somaliland ee uu muujiyay.