Salaadiinta & Madax Dhaqameedka Gobolka Hawd oo Hawraarsan Kaga Gudoomay C.raxmaan Cirro Hibaynta Gudoomiyaha Xisbiga Waddani & Dulucda Balanqaad ay Sameeyeen DAAWO
Hargaysa 12.October 2016 (SDN/QJ):- Salaadiinta Gobolka Hawd ayaa Si Mug leh u soo dhaweeyay Dhawaq uu Gudoomiye C.raxmaan Cirro ku Shaaciyey inuu Kursiga ugu Sareeya ee Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani u ku sooray Gobolka Hawd,Waxay Salaadiinta Gobolkaasi sheegeen in Talaabadani Tahay Mid Ugub ku ah Siyaasada Somaliland Maadaama sida ay Xuseen aan lagu Tartamin Waxaa kale oo ay Xuseen inay Beel ahaan Taageero Mug leh siin Doonaan Xisbiga Waddani.
Salaadiinta iyo Madax dhaqameedka Gobolka Hawd Waxaa kale oo ay Sheegeen inay Beel ahaan soo Kala saari doonaan Siyaasiyiin ku hirdamaya qabashada Xilka Gudoomiye-nimo ee Xisbiga Waddani.