Salaadiinta Iyo Waxgaradka Somaliland Oo Bilaabay Dedaallo Mucaaridka Iyo Xukuumadda Lagu Dhexdhexaadinayo
Hargeysa:Jully,22,2015(SDN/QJ)-Gebi ahaan somaliland, wax aka bilaabmay dedaallo Salaadiinta, Waxgaradka iyo Aqoonyahanku iskugu diyaarinayaan inay ku dhexdhexaadiyaan Xukuumadda Somaliland iyo mucaaridka oo isku maandhaafsan shir talo qaran ah oo maalintii shalay mucaaridku iclaamiyeen.
Xubno salaadiinta ugu magaca weyn kamid Somaliland, ayaa warbaahinta qaar u xaqiijiyey inay labada dhinac ka aqbaleen dedaallo ay doonayaan inay ku dhexgalaan, si looga fogaado qalalaase iyo fawdo keenti karta in nabadda iyo wada jirka dalku khalkhal galo.
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo isagu ah afhayeenka Salaadiiinta Somaliland, ayaa xaqiijiyey inay iskudayadaas ku hawllan yihiin, isla-markaana maalmaha soo socda la maqli doono dhawaaqa salaadiinta iyo waxgaradku arrimaha ku sulxinayaan.
Suldaan Xiirey waxa uu sheegay inay dhawaan la kulmi doonaan Laba Guddi oo dhinaca Xukuumadda iyo Mucaaridka ka kala socda, si la iskugu soo dhawaado.
Salaadiinta ayaa xidhiidh ay la sameeyeen labada dhinac ay sheegeen inay ka aqbaleen in la dhexdhexaadiyo, isla maantana ay is hor fadhiisin doonaan labada dhinac.
Ma jiro war ka baxsan midka salaadiinta oo dhinaca ishaya kasoo baxay, waxana aan la ogayn natiijada kasoo bixi karta dhexdhexaadintaas oo u muuqata mid natiijadeedu aanay hano qaadi Karin, maadaama xukuumaddu haatan ku dhegsan tahay in la aqbalo muddo-kordhinta Guurtidu samaysay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com