Salaadiinta Iyo Waxgaradka Beesha Koonfurta Hargaysa oo Sheegtay inay Ilaalinayaan Nabadgalyada Dalka,Dhaliilna u Soo Jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo DAAWO
Hargaysa 4. February,2016(SDN/QJ):-Salaadiin,Madax dhaqameed iyo aqoon yahano kale oo ka soo Jeeda Koonfurta Hargaysa ayaa Kulan ay maanta yeesheen Waxay ku sheegeen in Nabadgalyadu tahay Shayga ugu qaalisan ee dalku haysto loona baahan yahay in lagu faro adaygo.
Salaadiinta,Madax dhaqameedka iyo Aqoon yahanka Beesha Ciidagale ee Koonfurta Hargaysa Waxay si adag uga Hadleen Xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid Axmed oo Labadii Cisho ee u danbeeyay ku Xidhan Saldhiga Ibraahin Koodbuur.