|

Salaadiin ka Tirsan Madax dhaqameedka Somaliland oo Kulansiiyey Hogaamiyeyaasha Sadexda Xisbi Iyo Qodobo la isla qaatay DAAWO

Hargaysa 04. January 2017 (SDN/QJ):- Waxa kulan fool ka fool ah yeeshay Hoggaamiyaasha Saddexda Xisbi Qaran, kulankaas waxa soo qaban qaabiyay Saladiinta Somaliland ee mudan.



Ujeedada kulankan waxay ahayd. In Xisbiyadu joojiyaan dacaayadaha iyo hadalada ummadda kala qaybinaaya. Gaar ahaan labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI oo eedaymo iyo dacaayaco hawada isu marinaayay, in aanay dhacdooyin hore u tagay iyo eedaymo dacaayado ah laf jabka ku ah qaranimada Somaliland.
Waxaa Kale oo Loo Soo Jeediyey Hogaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka In ololaha la joojiyo oo abaarta dadku hayso loo gurmado. Midnimada iyo wadajirkana la dhawro..

Comments are closed