|

Sahanka Shidaalka oo laga bilaabay Xeebaha dalka Soomaaliya

Muqdisho M ar27,2014(SDN)-Shirkada Soma oil iyo Gas ee dalka Britain ayaa biloowday in ay shidaal ka baarto xeebaha dalka Soomaaliya bishii hore bartamaheedii.

Dawlada Soomaaliya ayaa hore ugu fasaxday in shirkada Soma Oil iyo Gas in ay sahan shidaal ka sameyso dalka Soomaaliya.

Barta Internetka ee Bloomberg ayaa ka soo xigatay mid ka mida la taliyeyaasha sare ee dawlada Soomalaiya Cabdulaahi Xeydar  in dawlada Soomaaliya ay tixgelin doonto heshiisyadii dawladii dhexe ee Soomalaiya ay la gashay shirkadaha Royal Duch Shell,Chevron iyo Bp dagaalada ka hor.

Shirkadaha ayaa haatan wadahadalo kula jira dawlada Soomaaliya si ay dib ugu bilaabaan shidaal baarid iyo soo ssaridba.

Xaydar ayaa sheegay in kolka sahanka shidaalka la dhameystiro la bilaabi doono bixinta ogolaashaha shirkadaha ee shidaal soo saarida.

“Marka aan xal u helo arimaha u dheexaya dawlada dhexe iyo maamulada dalka ka jira isla markaana la ansixiyo shuruucda shidaalka waxaanu ku hanweynahay in la bilaabi doono shidaal balaarin”ayuu yiri Cabdulahi Xaydar.

Soma Oil and Gas ayaa haatan baareysa dhul baxaadiisu dhan tahay 20,000 km waxaaney qaadan doontaa 90 ilaa 100 maalmood.

Gobolka Geeska Africa ayaa ah goobaha ugu shidaal baarida badan sanadahan danbe caalamka.

Waxa lagu qiyaasay shidaalka ku jira Soomalaiya ilaa 100 billion oo foosto inkasta oo aan si dhab ah loo ogeyn.

Soomaaliya iyo dalalka bad iyo beriba la leh xadadka ayaa wax aka dhexeeya murano salka ku haya shidaal.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed