|

Sagaal qof oo lagu dilay Dalka Mareykanka – Sawirro

12036898_979361715440329_5197362387757242380_n Oregon,2Oct,2015(QJ/SDN)- Nin hubeysan ayaa machad ku yaala gobolka Oregon ee dalka mareykanka ku toogtay sagaal qof.

12106929_979361725440328_7259435086947850397_n

Toddobo qof oo kale ayaa laga daweynayaa dhaawacyo ka soo gaaray toogashadaasi.

Booliska ayaa sheegaya in ninka weerarkaasi geystay isagana toogasho lagu dilay.

Warbaahinta mareykanka ayaa ku magacaabay ninkaasi Chris Harper Mercer oo 26 jir ah.

us

Mid ka mid ah ardaydii machadkaasi ayaa wargays kas oo baxa gobolkaasi u sheegay in ninka weerarka gaystay uu dadka weydiinayay diintooda ka hor inta uusan rasaas ku furin.

Munaasabado duco ah oo shumacyo la shidayo ayaa loo sameeyay dadkii ku dhintay weerarkaasi.

Madaxweyne Obama ayaa mar kale ku baaqay in la sameeyo sharci cusub oo lagu xakameynayo hubka dalkaasi mareykanka.

Waxa uuna sheegay in duco loo duceeyo dadkii ku dhintay dhacdadaasi aysan ahayn mid ku filan si looga hortago weeraradan oo kale.

 

Comments are closed