Sagaal Ka Mid ah Xujaajta Sannadkan oo Ka Maarmay Diyaarad Iyo Gaadiid Isla Markaana Baaskiilado Ku Tegay Magaalooyinka Barakaysan ee Maka Iyo Madiina & Dalalka ay ka soo Safreen
Makka 21. August 2017 (SDN/QJ):- Sagaal Xaaji oo ka mid ah Xujaajta Ingiriiska ee sanadkan soo Gudanaysa Waajibka xajka oo Baaskeelado kaga soo ambabaxay Magaaladda London ayaa Gaadhay Magaalada Barakaysan ee Maka al-mukarama.
Xujaajtan Baaskiiladaha ku tegey Xajka ayaa safarkoodu waxa uu qaatay Lix todobaad,Iyagoo socday Masaafad dhan in ka badan Saddex kun oo Kilo mitir,kuwaasoo Iyagoo sii maray dalalka Faransiiska,Zuwesarland,Talyaaniga, Giriiga iyo Dalka Masar.
Xujaajtan Baaskeeladaha ku tegey Xajka ayaa waxa lagu tilmaamay in safarkoodu Sawir wanaagsan ka bixinayo diinta islaamka,uguna muujinayaan iney diinta islaamku tahay Diin nabaded iyo isa saamaxaad dalalka ay sii mareen sida ay sheegtey wakaaladda wararka ee dalka sucuudigu.
Xujaajtan Ingiriiska ah ayaa waxay Baaskeeladahooda ku tageen Magaaladda Jidda ilaa magaaladda Madiina.