|

Sagaal Bilood Ka Hor Qodobo ay Ku Heshiiyeen Wasiirka Warfaafinta & Saxaafada Somaliland oo uu Buriyey Wasiir Caddaani Iyo Cidhib Xumida ay Keeni Karto DAAWO

Hargaysa 02. January 2017 (SDN/QJ):- Waxay ahayd 3 bishii March ee Sannadkii Tegay ee 2016 Markii uu Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacygelint Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani Kulan la qaatay Mulkiilayaasha Saxaafada Madaxa bannaan Isla Markaana ay Isla qaateen in Guud ahaanba La Joojiyo Baahinta Wararka Beelaha ee Kicinaya Bulshada Isla markaana wax u dhimaya Nabadgalyada dalka.

Hasa Yeeshee Wasiir Caddaani ayaa Go’aanadaasi dhankiisa ka Buriyey Kadib Markii uu Warbaahinta Dawlada ee uu Maamulo u adeegsaday hab dhaqan loo arko mid uu Xisbigiisa ku tusayo heerka Cadaawadeed ee ay Beeshiisa isla gaadheen.

Comments are closed