Safiirradii Waddamada Pillipine Iyo Norway u Fadhiyey Dalka Pakistan Oo Shil Diyaaradeed Ku Dhintay Iyo Daliban Oo Masuuliyadda Sheegatay
Islamabad:May,09,2015(SDN/QJ)-Wararka laga Helayo waddanka Pakistan, ayaa sheegay in shil diyaaradeed oo Dalkaasi ka dhacay uu ka dhashay khasaare Ballaadhan oo keenay Geeridda Diblomaasiyiin iyo safiirro Dalal shisheeye ka yimi.
Warkan oo ay ku dhawaaqeen Millatariga Pakistan, ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 6-sarkaal oo reer Galbeed ahi geeriyoodeen kadib markii diyaarad ciidan ku dhacday Mandaqadda Waadi Naar ee Waqooyiga Dalkaas.
Ra’iisal-wasaaraha Pakistan ayaa xaqiijiyay in dadka dhintay ay kamid yihiin safiirradii wadamada Norway iyo Filibiin u fadhiyay magaalada Islam-abad iyo laba sarkaal oo katirsanaa ciidamada cirka ee dalka Pakistan.
Caasim Baajwaa oo ah Afhayeenka millateriga Pakistan ayaa xaqiijiyay in diyaaraddu ay si lama filaan ah ugu dul-dhacday dhismaha madasarad ku taal Naaltaar, balse wuxuu diiday in uu faah-faahin ka bixiyo sababtay shilka dhalisay.
“Diyaarad nooceedu ahaa MI17 oo millaterigu leeyahay ayaa dhacday, 6 qof oo safiirrada Norway iyo Filibiin ka mid yihiin ayaa dhintay, sababta cilladda keentay dib ayaan kasoo sheegi doonaa” ayuu yidhi Afhayeenka millateriga Pakistan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay dhinteen xaasaska safiirrada Maleeziya iyo Indonesia u fadhiya wadanka Pakistan kuwaasi oo doonayey in ay ka qeyb-galaan xaflad ka dhici laheyd waqooyiga wadanka
Daalibaanta Pakistan ayaa sheegatay mas’uuliyadda diyaaradda soo dhacday,waxana afhayeen u hadlay Daaliban uu Telefeshinka Aljazeera u sheegay in xoogaggoodu ay mas’uul ka ahaayeen soo dhicidda diyaaraddaasi.
Mujaahidiinta Daaliban ayaa dagaal sanado qaatay kula jira xukuumadda Islam’abad oo qeyb ka ah xamlada Argagaxisa ladirirka loogu magac daray taasi oo Mareykanku ka bilaabay Mandiqadda oo idil.
Ma jiro wax faafhaahin ah oo kasoo baxday Dalalka Norway iyo Philipine ee la sheegay inay safiirradoodu geeriyoodeen, waxase la filayaa inay dhawaan wararkoodu soo bixi doonaan.
SDN/QJ