|

Safiirkii Maraykanka ee Qatar oo Xilkeedii Iska Casishay & Sababaha Kelifay

Doha 15. June 2017 (SDN/QJ):-Safiirkii Dalka Maraykanka u Fadhiday magaalada Dooxa ee Dalka qatar Dana Chell ayaa sheegtay inay ka tegayso xilkan ay haysay, waxana ay ku soo beegantay xilli uu khilaaf adagi ka dhex taagan yahay xulafadii Maraykanka ee Gobolka Khaliijka Carabta.

Safiirada Maraykanka Dana Chell Smith ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay qoraal ay ku sheegtay inay ka tegayso shaqadii diblumaasiyadeed ee ay Maraykanka uga haystay Dalka qatar mudadii sadexda sanadood ahayd ee u dambaysay, waxana ay sheegtay inay ka xun tahay inay waayi doonto ku noolaanshihii dalka Qatar oo ay aad u jeclayd, waxana xiligii ay Qatar Joogtay ku sifaysay wakhtigii ugu sharafta badnaa nolosheeda.

Dana Chell Smith ayaan haba yaraatee xusin sababta ay shaqadan uga tegayso, waxaana xilkaa sadex sanadood ka hor u magacaabay Madaxweynahii hore ee Maraykanka Brack Obama.

Afhayeen u hadlay wasaarada Arimaha Dibada ee Dalka Maraykanka oo is casilaadda Safiirada ka hadlay waxa uu sheegay in uu dhow yahay xiligii kama dambaysta ahaa ee ay Dana Chell Smith safiir ka sii ahaan lahayd dalka qatar, go’aanka shaqo ka tegisteeduna uu ahaa mid ay qaadatay bilowgii sanadkan 2017.

Sida la ogyahay Madaxweynaha Maraykanka ayaa dhowaan taageeray mowqifka Sucuudiga ee khilaafka Khaliijka, xili ay mas’uuliyiin xukuumadiisa ka mid ah oo uu ugu horeeyo wasiirka Arimaha dibadu ku baaqeen in wadahadal lagu dhameeyo xiisadda taagan.

Comments are closed