Safiirka Sucuudiga U Fadhiya Itoobiya Oo Sheegay In Dawladdiisu Xayiraadda Ka Qaadayso Xoolaha Soomaalida
Addis Ababa 07. July 2017 (SDN/QJ):- Safiirka dalka Sacuudiga u fadhiya dalka Itoobiya Cabdalla Fareh Alarjani ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu furdaamin doono xayiraadda xoolahii Soomaalida lagu soo rogay, ka dib kulan dhexmaray Safiir-xigeenka Somaliland u fadhiya Itoobiya Ayaanle Salaad Diiriye.
Qoraal kooban oo Safiir Ayaanle Salaad Diiriye ka soo saaray kulanka ku dhexmaray Safiirka Sacuudiga Alarjani xafiiska safaaradda Somaliland ee Addis Ababa, ayuu ku faahfaahiyey waxyaabihii ay ka wada-hadleen isaga iy Safiirka Sucuudiga u jooga Addis Ababa.
“Kulan aan xafiiska safaaradda Somaliland ee Itoobiya kula yeeshay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Itoobiya Cabdalla Fareh Alarjani ayaa lagaga hadlay danaha labada waddan wadaagaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa, xilligan oo xiisad ka soo korodhay Gacanka Carabta..” ayuu Safiir ku-xigeenku ku sheegay qoraalkiisa, waxaanu intaa raaciyey “Safiirka Sacuudiga Cabdalla Fareh ayaa amaanay doorka Jamhuuriyada Somaliland iska taagtay xiisadda Gacanka, isla-markaana ballanqaaday in dalkiisu furdaamin doono xayiraadda xoolaha, oo wada xaajoodkii lagaga wada hadlay.”
Kulanka Ku-xigeenka safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya Safiir Ayaanle Salaad Diiriye iyo Safiirka dalka Sacuudiga u fadhiya Cabdalla Fareh Alarjani ayaa ku soo beegmaya kulamo maalmahii u dambeeyey Safiir Ayaanle Salaad kula yeelanayey xafiiskiisa qaar ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee qaar ka mid ah Dalalka Qaaradda Afrika, oo ka qeyb-galay kal-fadhigii Midowga Afrika oo toddobaadkan ka qabsoomay Xarunta Dalka Itoobiya ee Addis Ababa.