|

Safiirka Somaliland Ee Itoobiya Oo Ka Jawaabay Eedo La Xidhiidha Musuq Maasuq Lagu sameeyay Deeqo Waxbarasho DAAWO

e1bd5f80750507fb839b44d86ba1ee16_L
Addis Ababa 02.Dec 2015 (SDN/QJ):- Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya Ambassador Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal), ayaa ku dooday inaanay waxba ka jirin eedaymo ka soo yeedhay dugsiyada sare ee Dayib guray iyo Quule Aadan ee Hargeysa, kuwaasi oo dhawaan sheegay in deeqdii waxbarasho ee ay ka heleen Ethiopia la musuqmaasuqay.

Danjire Galaal ayaa sidoo kale saxaafadda qaarkood oo wararkaasi wax ka qortay darteed u hanjabay madaxbanaanida saxaafadda, ugana digay inay is dabraan. Waxaanu ku hoga tusaaleeyay erayo gabay ah oo uu ku sheegayo inaanay saxaafaddu iskaga ciyaarin xorriyadda.

Waxa uu sheegay inay rasmi ahaan u soo saareen liiska ardayda ku guulaystay deeqda waxbarasho si ay meesha uga saaraan tuhunka jiray ee ku saabsan in la musuqay deeqdaasi.

Comments are closed