|

SAFIIRKA RUUSHKA U JOOGA DALKA DENMARK OO DALKAA UGU HANJABEY WEERAR HUBKA WAX GUMAADA AH

Copenhagen Mar 22, 2015(SDN/QJ)-Xidhiidhka u dhexeeya wadanka Ruushka iyo wadamada Yurubta Galbeed ee la saxiibka ah dalka Mareykanka ayaa waayadan danbeba ahaa mid sii xumaanaya iyadoo goor horaba la arkey in uu soo noqdey wixii loo yaqaaney dagaalka qabow (cold war). Waxaaney taasi keenay in lagu kala aragti duwanaado arimo badan oo dunida ka socda sida Dagaalka Dalka sokeeya ee Dalka Suuriya iyo meel kale oo badan.

Dhawaan ayey aheyd markii Dooni ka mida kuwa bada hoosteeda  quusa ee xambaara hubka wax gumaada uu sawirey raadarka  dalka Sweden meel wax yar u jirta Caasimada dalka Sweden Stockholm, doontaas oo lagu eedayey inuu laga lahaa dalka Ruushka, balse Sweden ku guuldareysatey iney cadeyn keento ka dib markii Ruushka iska fogeeyay arinta.

Geesta kale waxaa soo batey duulimaadyada ay sameeyan  diyaaraha Ruushka oo inta badan argagax geliya wadamada reer Galbeeda . Markiibta xabaarsan hubka wax gumaada iyo diyaaradaha dagaalka  ayaa iyaga laftoodu maalin walba ku cartama biyaha u dhexeeya dalalkaa awoodaha Military iyo kuwa dhaqaaleba leh.

Xaalada hada u daran ee la xidhiidha amuurahas ayaa ah  in uu safiirka Ruushka u jooga dalka  Denmark Mr. Mikhail Vanin, si toosa ugu hanjabey in Dalka Dermark uu noqon doono bartilmaameed lagu burburiyo hubka wax gumaada. Safiirka oo ay wareysatey jariida Jyllands-Posten oo ka soo baxda Copenhagen ayaa sheegay in Dalka Dermark uu waayi doono lacagta iyo xasiloonida uu haysto hadiibuu yidhi dalkaasi uu ku biiro heshiiska NATO BALLISTIC  MISSILE DEFENCE, (BMD) ee Mareykanku doonayo inuu  dalalka ku jira ururka Nato kaga difaaco weerar gantaalo cirka ah oo kaga yimaada dhanka wadamada cadowga loo arka sida Ruushka oo kale.

Hadalka Safiirka ayaa dareen xoog leh ku abuurey wadamada Ruushka la jaarka ah, ”Hadii uu sidaa yidhi waa waxaan la aqabli karin. Ruushku si fiican ayey u garanayaan inaanu Difaaca Gantaalaha Nato aheyn mid iyaga ka soo horjeeda, Waxbadan aaya jira oo aanan ku raacasaneyn Rusia, lakiin waxaa mihiima inaan siiqada ama luqada noo dhaxeysa ka sii darin”. Sidaa waxaa isna u sheegay Jariirada Jyllands Posten Wasiirka Arimaha Dibada Dermark Mr.Martin Lidegaard.

 

Qurbejoognews.

Oslo Norway

 

Comments are closed