|

Safiirka Jabuuti U Fadhiya Hargeysa Oo U Mahad-Naqay Xukuumadda Somaliland

Hargaysa 02. July 2017 (SDN/QJ):- Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland danjire,  Xuseen Cumar Kawaaliye, ayaa uga mahadnaqay dawladda Somaliland sidii ay uga qayb qaadatay munaasibadii lagu xusayay sannad-guuradii afartanaad ee ka soo wareegtay markii shacabka reer Jabuuti  xornimada ka qaadateen dalka Fransiiska  27-kii bishii June sannadkii 1977.

Xuseen Cumar Kawaaliye oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa sheegay in uu uga mahadnaqayo madaxdii Somaliland  iyo  shicib-waynaha reer Jabuuti  ee ku sugan dalka ee  ka soo qaybgalay munaasibadii  lagu xusayay 40 guuradii  ka soo wareegtay madax-bannaanida Jabuuti.

 

 

“Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Jabuuti iyo magaca madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo marwadiisa, waxaan baaq mahadnaq ah u dirayaa shicib weynihii ka soo qaybgalay manaasibadii lagu xusayay sanadguuradii 40aad, 27-kii bisha June oo ah maalintii Jamhuuriyadda Jabuuti ka xorawday gumaysigii, waxa kaloo  aan mahadnaq u dirayaa dawladda Somaliland iyo shacabka iyo ku simaha madaxweynaha Somaliland  mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, waxaan uga mahadnaqayaa sidii qiimaha badnayd  ee uu  uga soo qaybgalay xafladdii lagu xusayay maalintii xornida aanu ka qadanay dalka Fransiiska, waxa kale oo aan mahadnaq u dirayaa guddoomiyayaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe iyo wasiirka wasaarada arrimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo  ka soo  wada qayb galay xafladii lagu xusayay maalintii Jabuuti xornimada ka qaadatay dalka Faransiisaka,”ayuu yidhi Danjiraha Jabuuti.

Comments are closed