Safiirka Dawladda Mareykanka ee Somaliland iyo Somaliya oo Kulan Xasaasi ah La Qaatey Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland
Hargaysa 29. June 2017 (SDN/QJ):- Safiirka dawladda Mareykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr.Stephen Schwartz., ayaa socdaal uu ku soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxa uu kulan xasaasi ah uu si gaara u la qaatay guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Md.Cabdiqaadir Yuusuf Iimaan.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa si faahfaahsan uga xog waramay halka ay wax u marayaan, waxaana uu sheegay in wakhti xaadirkan ay si toos ah u gelayaan qeybintii kaadhadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashada Somaliland ee goballada Maroodi-jeex iyo Togdheer isaga oo sheegayna in hore ay u soo dhammeeyeen goballada Saaxil iyo Boorama, waxaana uu si aada carabka ugu dhuftay in ka Komishan ahaan aanay jirin wax qabyo ah oo hawshaas kaga hadhan farsamadeeda.
Danjire, Stephen Schwartz oo isna halkaas ka hadlay, ayaa u mahad-celiyey guddoomiyaha Komishanka iyo kooxdiisa la shaqeysa ba oo uu sheegay in ay ku amaanan yihiin sida fiican ee ay hawshaas u wadaan qabashadeeda.