Safiiradda Dawladda Finland U Fadhida Kenya Oo Kormeertay Xarumo Caafimaad Oo Ku Yaalla Hargeysa
Hargaysa 15.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wefti ay Hoggaaminayso Safiirka Dalka Finland u fadhida Kenya Tajra Fernandes oo dhawaan Socdaal ku timid Somaliland isla-markaana kulamo la yeelatay Madaxda Dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sidoo kale kormeer ku samaysay Goobo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Hargeysa.
Safiirradda oo beddeshay Safiirkii Dawladda Finland hore ugu joogi jiray Kenya, ayaa Somaliland u timid inay kormeerto Adeegyada Caafimaad ee Dawladda Finland ku caawiso Somaliland, waxayna kormeerkeedii u horeeyay ku tagtay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, iyadoo Indho-indheysay Hawlaha Caafimaad ee Dawladda Finland ka caawiso Somaliland, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Dhakhaatiirta Ajaanibka ah ee ka shaqeeya Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.
Haweenaydan Safiirka ah aaya intii ay ku sugnayd Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, waxa War-bixinno la xidhiidha Adeegga Caafimaad ee Cisbitaalku bixiyo iyo baahiyaha ka jira uga warramay Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa Dr. Axmed Xaaji Cumar Askar.
Kormeerkan oo Safiiradda reer Finland ay ku wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Caafimaadka Faysa Xaaji Axmed Ibraahim, ayaa intii lagu guda-jiray waxay Safiirraddu sheegtay inay sii wadayaan taageerada dhanka Caafimaadka ah ee ay Somaliland siiyaan.
Mrs. Tajra Fernandes waxay ballan-qaaday inay cusboonaysiinayaan caawimooyinka ay ku xoojiyaan adeegyada caafimaad ee Somalilandka, iyadoo u Mahad-naqday Masuuliyiinta Caafimaadka ee Somaliland, kuwaasi oo ay xustay inay sidii loogu talo-galay u wadaan adeegyada Caafimaad ee Dawladda Finland Gacanta ka geysato, kuwaasi oo ay ka mid yihiin mashruuca JOINT HEALTH NUTRATION PROGARAME iyo adeegyada uu bixiyo cisbitaalka guud ee Hargeysa qaarkood.
Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Jaamac Diiriye iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda oo ay ka mid tahay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta oo Safiirradda u fududeeyay Kormeerkeeda, ayaa Dawladda Finland iyo Safiirkooda uga Mahad-celiyey taageerada Caafimaad ee ay Somaliland siiyaan.
Gabogabadiina Tajra Fernandes waxay kulan Xafiisyadooda kula yeelatay Agaasimaha Guud iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ah Wasaaradda Caafimaadka.
Dawladda finland ayaa tan iyo sanadkii 2008 waxay Somaliland ka caawinaysay qaybo ka mid ah adeegyada caafimaadka ee lagama maarmaanka u ah bulshada iyagoo aan cidna u soo marin.