|

Safiir Baashe Cawil Oo Bilaabay Kaambayn Iyo Xodxodasho La Xidhiidha Sidii Golaha Wakiilada Loo Hor Geyn Lahaa Degdegna Qalinka Loogu Dhufan Lahaa Heshiis Madaxtooyadu Imaaraadka Ugu Wareejiso Saldhig Milatari

Hargaysa 25. December 2016 (SDN/QJ):- Wakiilka Somaliland u fadhiya Isu-tagga Imaaraadka Carabta Ambasaddor Baashe Cawil Xaaji Cumar oo dhawr maalmood ka hor dalka ku soo laabtay ayaa la sheegay in uu si degdeg ah oo xawli leh dalka uga bilaabay kaambayn iyo xodxodasho hor leh oo uu ku wajahay siyaasiyiinta, xildhibaanada iyo aqoonyahanka dalka ee kaleba si uu taageero ugu helo saldhig Milatari oo xukuumadda Somaliland dalka Isutagga-Imaaraadka Carabta ka siiso Magaalo xeebeedda caanka ah ee Berbera.

Warkan oo aannu ka soo xiganay shabakadda Uu Internet-ka ku leeyahay Wargeyska Xayiran ee Haatuf ayaa waxa uu leeyahay Wiilka uu Madaxweyne Siilaanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil Xaaji Cumar oo todobaadkan ku soo laabtay Hargeysa ayaa caasimadda Somaliland ka dhex wada olole uu ugu jiro sidii uu Golaha Wasiirada iyo Baarlamankuba u ansixin lahaayeen heshiis afka ah oo ay ay dawladda Imaaraatka iyo waftigii Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay ee dalkaasi muddo hore tagay ay isku af -garteen in dalka Imaaraadka Carabta saldhig milatari laga siiyo magaalada Berbera.

Sida laga soo wariyey masuul ka tirsan xukuumadda Somaliland, labada dhinac waxay muddo dhawr toddobaad ka hor ah wada gaadheen Isfaham mabd’i ah oon qoraal ahaan wali la hor keenin golaha wasiirada iyo baarlamanka toona. Hadaba Baashe Cawil oo ah ninka dabada ka waday mashruuca saldhigga ay Imaataatku doonayaan inay ka hir-galiyaan xeebta iyo madaarka Berbra, ayaa dhawrkii cisho ee uu joogay Hargeysa waxa uu u kala saari waayey shirar uu la yeelanayo qaar ka mid ah xubnaha beeshiisa kaga jira golaha wakiiladda iyo xukuumadaba, madax-dhaqmeedyo ,ganacsato iyo dhalinyaro isagoo qaybaha kala duwan ee bulshada u sharxaya faaiidooyinka dhaqaale ee Somaliland ugu jira saldhig Imaaraatku ku yeesho dalkan inkastoo aanay hadalkiisa ku jirin wax tixgalin ah oo la filayo in ogolaanshaha Saldhigaasi ka soo kordhin doono xaga qadiyadii ictiraafka iyo inkale.

Is-fahamka (Memorandum of Understanding) ayaa sida ay ilo xogogaal ahi sheegeen waxa diiday inuu saxeexo wasiirka Khaarajiga Somaliland Sacad Cali Shire isagoo diidanaa fikradda saldhigga milatari kana digaya cawaaqib xumada ay ku keeni karto xasiloonida iyo amaanka dalka hadii la ogolaado. Dhawaan ayay ahayd markii Warbaahinta qaar wax ka qoreen heshiiskan oo noqonaya kii labaad ee Imaaraadka lagaga kireeyo hanta qaran kadib marsada Berbera oo hore loogu wareejiyey isla Imaaraadka.

Amiir Sheikh Maxamed bin Zayed Al Nahyan oo ah Amiirka Imaaradda Abu Dabay ayaa la sheegay in uu yahay ninka isagu doonaya in uu xukuumadda Somaliland ee wakhtigeedu soo dhammaanayo ka saxeexo heshiis saldhig Milatari ka siinaya xeebta Badda Cas oo ah marin istaraatiiji ah wakhti mandaqadda Gacanta iyo Badda Cas xaaldo colaadeed ka taagan yahay.

Comments are closed