Safarkii Silaanyo iyo wuxuu ku suntamay ( sidii saaxil looga dareemay)
(Gaariye qasab kuma balwayn karo)
1. Haddii qoys agoon yahay
2. Wixiisii rag qaybsaday,
3. Qaan-gaadhna sara-kaco
4. Qabyadooda raadshaa,
5. “Qori, sii!” ha joogtee,
6. Wallee quuso kuma diro.
7. Waxaruhu sidaan qabo
8. Weligoodba qoor-qabad
9. Biyo kuma qudhqudhiyaan;
10. Anna qiiro mooyee
11. Qasab kuma balweyn karo.
Maxay ahayd ujeedada rasmiga ah ee safarka madaxwayne siilaanyo?
Dadkii iyo deegaanadii uu maray ma isku si ayuu ku qaabilay mise way kala duwanaayeen?
ma dhabaa Siday dadka qaar leeyihiin ee ah in madaxwayne siilaanyo uu u safray oo kaliye si uu wax uga soo ogaado deegaanadii uu ka soo jeeday inta kalana ay ahayd uun raadgadasho?
Hadaba su’aalaha kor ku xusan si aynu si sax ah ugaga jawaabno aynu gudo galno safarkii madaxwaynaha ee dheeree
Hadaba Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland axmed maxed maxamuud (silaanyo ) ayaa safarkiisi ugu dheera ee ku maro qaar ka mid ah gobolada iyo degmooyinka Somaliland si wayn u hadal haysaa bulshada kala duwan ee magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil ku dhaqan. Hadaba waxaynu wada ogayn in madaxwayne axmed silaanyo uu socdaalkiisa ka soo bilaabay gobolka awdal isagoo ka qayb galay munaasibad ay ku qalin jabinayeen arday wax ka barta jaamacada camuuda isagoo madaxwaynuhu halkaa aradayda iyo wax garadka reer awdal kala hadlay .intaa ka dib wuxuu u sii dhaafay degmooyinka lughaya iyo saylac isagoo dadwaynaha degaanka saylac oo uu habeen u dhaxay goob fagaare ah subaxii kala hadlay dadweynaha isagoo u balan qaaday cabashooyinkii ay u soo jeediyeen wax garadka degaankaasi inuu wax badan ka qaban doono inta badan madaxwaynuhu markii uu soo dhaafay wuxuu soo galay xadka gobolka saaxil isagoo degaanka ceel sheekh ugu soo horeeyay hadana wuxuu soo gaadhay degmada bulaxaar oo badhasaabka gobolka,maayirka berbera ,mareeyaha dekeda berbera, madax dhameed iyo waliba bulshada ku dhaqan degaankaa bulxaar ay madaxwayne silaanyo si balaadhan u soo dhaweeyen , balse maxaa dhacay? Afkuu xidhay madax wayne ahmed cadho uu qabo dadka reer saaxil oo uu qarsan kari waayey ayaa uu diiday inuu hadlo oo uu aamuska ka doorbiday intaa wuxuu ku daray madaxwayne silaanyo inuu ka soo dego gaadhigii uu saarna oo kaliya isagoo lug ku dhex maray bulshadii soo dhawaysay lakiin wax hadal ahi ugama gudbin madaxwaynaha bulshada degaanka bulaxaar waxaana jiray adeegyo badan oo ay donayeen inay u gudbiyaan madaxaynaha si uu wax uga qabto madaama ay tahay markii koobaad ee uu tago degaanka bulaxaar jawaabta ay madaxwaynaha ka heleena waxay noqotay aamusnaan ku dhaaf bulaxaar “ madaxwayne silaanyo iyo waftigiisu waxay intaa ka dib abaaro 8:00 fiidnimo soo gadheen magaalada berbera iyagoo bulshada ku dhaqan magaalada berbera qaybo ka mid ahi ay si balaadhan ugu soo dhaweeyen xarunta madaxtooyada berbera oo waxkhti dheer ku sugnaayeen habeenkii kobaad ay madaxawaynaha Somaliland sidaa ugu hoyday magaalada berbera waxa la gaadhay subaxnimadii waxa si balaadhan ugu diyaar garoobay ardayda wax ka barta jaamacada culuunta badda ee magaalada berbera oo lahayd munaasibada laash kaga guddomayaan shirkad kaluumaysi wakhti dheer oo ay ardaydu sugeen hadana ma suura galin ka soo qayb galka madaxwaynaha goor ay ahayd abaaro 12:00 duhurnimo ayaa xayn wasiiro ah oo ka mid ahaa waftigiisa ku samirsiiyeen aradaydii inay u yimaadaan oo goob bacad ah lagu kala guddomay laashkii arintaa ayaa si xooga looga hadal hayaa goobaha ay isugu yimaadan dhalin yarta aqoon yahanka ah ee ku sugan magaalada berbera gudaheeda iyo bulshada kala duwan qaybaheeda “
Malintii labaad ee uu ku sugnaa madaxwayne silaanyo magaalada berbera ayaa ahayd maalin jimce ah isagoo bulshada kula tukayd masjid khaalid binu waliid galinkii danbana ardayda jaamacada bada kula dabaashay batalaale inkastoo ay sugeen inuu madaxwaynuhu la hadlo bulshada qaybaheed kala duwan oo si xooga looga hadal hayay inuu goob fagaare ah kala hadlo ma suuro galin. Arinta kale ee cajiiba ahayd intii madaxwayne silaanyo ku sugnaa magaalada berbera waxay ahayd inaanu la kulmin wax garadka ama madax dhameedka berbera waana markii kobaad ee arintani dhacdo iyadoo caado ahayd in madaxwaynuhu marka uu yimaado in uu la kulmo madax dhaqameedka gobolka uu tago si uu wax uga ogaado xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta degaanka uu tago kolba in kastoo wararka qaar tibaxeen mareega internet ka lagu baahiyay in silaanyo kulamo la qaadatay madax dhameedka beesha uu ka soo jeedo ee ku sugan berbera iyadoo aan la garan Karin waxa ay isla qateen laakin waxa hadal haynta loo badinayaa in ay sidii caadada u ahayd kala hadlaan kuraas hor leh in uu ka siiyo degmada berbera oo la odhan karo waa xanuun ay qaaday beesha madaxwayne siilaanyo iyo masuuliyiinta kaga jiro xukuumadaba
Madaxda qaranka hogaaminaysa haduu galo xanuunka qabyaaladu waa aafo dadka oo dhan wada saamaynaysa
1. Dersigaygu waa meel.
2. Taariikhda duugga leh
3. Waxan ugu hor daabacay,
4. Xil damiirku qaadiyo
5. Waa faral dushayda ah.
6. Qalinkiyo dawaaddaa
7. Inaan fuliyo ii direy.
8. Waxan uga dan leeyahay;
9. Nin qabyaalad doojaw,
10. Doqonniimo waa cudur.
11. Haddii aad dux leedahay
12. Bal docdaada uun eeg:
13. Inta dumar agoomo ah!
14. Inta dhiig dad lagu qubay!
15. Inta darib nin lagu cunay!
16. Inta duul ku qaran-jabay!
Si kasta oo madaxwayne axmed siilaanyo uu u jidh diido dadwaynaha reer saaxil hadan iyagu sidii gob iyo caadeed way u soo dhaweeyaan madaxwaynahooda sii socodkii iyo soo noqodkiiba iyadoo ay xusid mudantahay in caaqil wayn uu ku geeriyooday soo dhawayntii madaxwaynaha.
su.aasha wakhtigan ay bulshada si xooga oo xamaasadayan u hadal hayso ayaa ah ma madxwayne axmed maxamed maxamuud (silaanyo ) ayaa iska diiday inuu la kulmo madaxdhameedka gobolka saaxil mise kacdoon dadwayne ayuu ka cabsanaayay iyo canaan badan oo kaga timaada madaxdhameedka saaxil maadaama ay jiraan balan qaadyo hore oo uu sameeyay mararkii hore ee uu magaalada yimi oo aan waxba ka fulin sida Aafada laydhka .pubilc library uu dhagax dhigay oo wali dhagaxii meeshii yaalo marka laga reebo gudi uu maayirka berbera u saaray oo aan la ogay meel ay wax marinayaan .waxa kaliya ee madaxwayne silaanyo intii jiidaha saaxil uu ku sugnaa goob fagaare ah kala hadlay bulshada degmada sheekh iyadoo arintaana ay bulshadu ku tilmaamayso raali galin uu ka siinaayo degmada sheekh madaama uu safarkii kan ka horeeyay madaxwaynuhu degmada oo aad ugu sii diyaar garowday gaadhi muraayaduhu u dalacan yihiin ku dhaafay
hadaaan intaa ku dhaafo magaalada berbera iyo sida uu madaxwayne silaanyo ka yeelay waxa xasuus mudan oo aan marna la ilaawi Karin degaanada bariga ee uu berbera u sii dhaafay sida qadarinta iyo xushmada mudan ee wax garadkeeda ula kulmay iyo dadwaynaha ku nool isagoo fagaare kasta ka sheegayay in wixii ay cabashooyin ah ee loo soo gudbiyay dawladiisu wax ka qaban doonto isagoo sida ay u kala mudan yihiin u kala horaysiin donaan hadaan tusaale u soo qaadano degmada Gar-adag oo uu la wada garan karo inta ay leeg tahay iyo waxa ay soo saarto waa kii madaxawaynu intii bulshada dhex fadhiisatay yidhi reer gar.adag marna idin ilaawi mayno ee wixii baahiyo ah ee aad sheegateen wax laydinka qaban karo waa laydiin qaban.
hadaba su.aasha is waydiinta mudan waxa weeye maxay daaran tahay cadaawada uu u qabo madaaxwayne silaanyo degmada berbera ee misaaniyada qaranka Somaliland soo saarta 80% miyaanu se ogayn in uu dalka iyo dadkaba uu isaga uu madaxwayne u wada yahay mid reerkiisa aha iyo mid aan ahayn mid taageersanaa iyo mid aan taageersanaynba.
Waxaan ku soo gabo gabaynayaa maqaalkaygan maansadii gariye ee
(Dugsi ma leh qabyaaladi gaariye)
1. Dugsi ma leh qabyaaladi;
2. Waa dararta baahida;
3. Waa astaanta dib-u-dhaca;
4. Waa boog dalooshoo
5. Dadka maanka kaga taal.
6. Dirxi qudhun ku nool iyo
7. Waxa fadha nin daalin ah;
8. Damqa oo ku joogsada
Qalinkii .wariye mubaarik nirig (Berbera)