|

Safarka Qurbejooga Soomaalidu ku tagaan wadanku inta badan waa FARXAD sii socodka ah iyo FIRXAD soo socodka ah, waa maxay sababtu? Q 3aad

Ramadaan kariim

Qormadan maanta waxa aynu kaga hadli doonaa madaarka Dubai oo ah goobta ay maraan Somalida ugu badan ee dhooftaa.  Madaarka Dubai waxa la bilaabay dhismihiisa 1959kii waxaanuu soo maray marxalado kala duwan. Maanta waxa uu leeyahay 3 dhisme (Terminal) oo dadka rakaabka ahi ka dhoofaan kana soo degaan iyo laba runway oo is garab ah oo diyaaraduhu ka haadaan kana soo fadhiistaan.
Dhismaha 1aad waxa isticmaala diyaaradaha aduunka badankooda ha noqdeen Carab, Yurub, Maraykan, Asia amaba Australiyane sida Qatar Airways, British Airways, American Airlines, Malaysian Airlines iyo Qantas.  Dhinaca Soomaalida, Terminalkan waxa kale oo isticmaasha diyaarada Daallo Airlines. Terminalkan waxa la yidhaahdaa Rashid Terminal isaga oo loogu magac daray ninkii Xukumi jirey Dubai ee Sheekh Rashid Bin Saeed Aalmaktoum.
Terminalka labaad waxa isticmaala shirkado badan oo ay ka mid yihiin Flydubai, Jubba Airways, Iran Asseman Airlines, Shaheen International Airlines iyo shirkadaha loo yaqaan Charterka ee dadka dalxiisayaasha ah sida gaarka ah u qaada. Dhismahan labaad, waxa uu ka soo horjeedaa dhismaha koowaad isaga oo u jira masaafo durugsan, waxaana labada dhisme u dhexeeya Runwayga ay diyaaraduhu ka haadaan.
Dhismaha saddexaad ee madaarka Dubai leeyahay waa ka ugu baaxada weyn, casrisan uguna quruxda badan dhamaanba dhismayaasha uu ka kooban yahay garoonku, waxaanuu gaar u yahay shirkada dalka laga leeyahay ee Emirates Airlines. Terminalkani waxa uu gaar u yahay oo kale diyaarada weyn ee ay isticmaasho Emirates Airlines ee loo yaqaano A380 oo ah diyaarad rakaab ta ugu weyn aduunka iyada oo qadi karaysa 550 qof markiiba.
Dhoofe, haddii aad ku timaado Dubai diyaarad aan ahayn Emirates Airlines adiga oo ka yimid Yurub, Amerika amaba Asia, shaki la`aan waxaad ka degeysaa dhismaha koowaad (Terminal 1). Haddii aad rabtay inaad gudaha u gasho Dubai, hore u soco adiga oo raacaya calaamadaha kuu tilmaamaya Immigrationka.

Haddiise aad u xadhko-xidhneyd inaad u sii gudubto Somaliland/Somalia adiga oo raacaya diyaaradaha Somalilad waa inaad fuushaa dabaqada koowaad (Qaybta transferka) adiga oo iska xaadirinaya agagaarka Gate 108 iyo 114, halkaas oo inta badan ay ku kulmaan Somalida rakaabka ah iyo shaqaalaha shirkadaha Somalidu sida Jubba Airways, Daallo Airlines iyo African Express, isla markaana ay ku yaalaan goobo wax laga cabo/cuno, masaajida raga iyo dumarkuba ku tukadaan iyo goobo lagu nafiso (Musqulo).
Haddii aad la socotay diyaarada Emirates Airlines waxa aad ka degeysaa dhismaha saddexaad (Terminal 3) waana inaad abaartaa dhismaha koowaad si aad dibeda ugu baxdo adiga oo sii maraya immigrationka, amaba u beegsato goobta ay ku kulmaan Somalida raacaya diyaaradaha Somalida ee aan soo sheegay.

Dhismahan saddexaad aad ayuu uga fog yahay dhismaha koowaad-inkasta oo ay isku xigaan- waxaana la soconayaa masaafo dheer. Haddii aad tahay qof waayeel ah oo socodku dhibayo waxa aad raaci karaysaa gawaadhi yaryar  oo ka dhex shaqeeya gudaha airportka kuwaas oo loogu talogalay dadka aan socon Karin masaafada dheer sida waayeelka, dumarka uurka leh iyo caruurta.

Haddii aad u baahato Push-chair caruurta ah waxa aad si ku meelgaadh ah oo lacag la`aan ah u isticmaali karaysaa -gudaha airportka- push- chair ay leedahay shirkada Emirates Airlines kuwaas oo sida caadiga aad ka qaadan karto afaafka aad ka soo galayso dhismaha Airportka marka aad diyaarada ka degto diyaarada Emirates Airlines. Waxa isaguna goobtaa laga heli karaa wheel-chair amaba kursiga dadka waaweyn lagu riixo oo qof kugu kaxaynayo waase haddii aad hore u sii dalbatay. Lugee ama gaadhi raacoo halka aad abaaraysaa waa dhismaha koowaad (Terminal 1) haddii aad gudaha u galaysey Dubai iyo haddii aad transit tahay labadaba.
Haddii aad raacayso diyaarada Daallo Airlines oo ka baxda dhismaha koowaad, saacado ka hor ha lagaa helo agagaarka gate 108 iyo 114. Wax weydii hablaha fadhiya xarumaha ku dhex yaalla Airportka ee loo yaqaan “Information centre” adiga oo warsanaya albaabka ay ka dhoofayso Daallo Airlines. Ha ku lugo`in inaad wax weydiiso shakhsiyaadka khamiisyada cadcad xidhan ee dhex warwareegaya Airportka!.
Haddii aad racayso diyaarada Jubba Airways oo ka baxda dhismaha labaad ee garoonka Dubai, isla markaana ay dhacdo inaad la kulmi weydo cid ka mid ah shaqaalaha diyaarada ka dib marka aad tagto gate 108 iyo 114, hoos u deg (Ground Floor) kuna hagaag halka ay ku qoran tahay wareejinta dhismaha labaad (Terminal 2 transfers) adiga oo sii diyaarsanaya Tigitka iyo Passportkaaga  kuna talogalaya in lagu baadho. Marka aad ka gudubto baadhista,  ku hagaag miiska (Counterka) dadka u socda dhismaha labaad laga wareejiyo halkaas oo ay inta badan joogaan shaqaale Hindi ah oo ka socda shirkada Dnata ee qaabilsan adeega garoonka Dubai. Waxa aad iyo aad u muhiim ah inaad shaqaalahaa u dhiibto numberka shandada aad sidatay (Tag Number) si laguugu wareejiyo.

Haddii aanad dhiibin numberkaa ogow inaad adigu iska lumisay boorasdaada hadhawna diyaaradaha Somalida ma eersan kartid. Sidaa daraadeed, xasuusnow inaad dalbato in laguu wareejiyo shandadahaaga adiga oo tusaya shaqaalaha Tag numberka aad sidato. Isla Counterkaa aad joogto waxa lagaa siinayaa Boarding-passkii aad ku raacaysey Jubba Airways, waxaana lagu saari doonaa Bus u kala shaqeeya labada dhisme ee 1aad iyo 2aad oo socon dona qiyaastii 20 daqiiqo, sidaana waxaad ku tagaysaa halkii ay ka dhoofeysey Jubba Airways iyo Terminal 2 oo aad ka heli karayso goobihii wax laga cunayey/cabayey, Musqulihii, duty free-gii alaabta tayada leh laga iibsanayey iyo goobihii lagu tukanayey intaba. Hadii aad raacayso African Express iyana waa sidan oo kale habka iyo halka la marayaa.
Waxa dhacda wakhtiyada qaarkood in dadka transitka ku ah Dubai ee u sii gudbaya Somaliland/Somaliya ee Dubai ku yimid diyaarad aan ahayn Emirates Airlines, waxa dhacda in la weydiiyo inay bixiyaan lacag si boorsooyinkii ay siteen loogu wareejiyo diyaarada ay raacayaan. Ogaantay –haddii aan wax iska bedelin- shandadiiba waxa ay ka qaadi jireen lacag dhan $100.

Hadaba, haddii ay tan oo kale ku qabsato oo aanad diyaar u ahayn inaad lacagtaa bixiso isla markaana aad sidato Passport vise la`aan lagu gali karo Dubai iyo guud ahaanba dalka UAE, waxaad samayn kartaa inaad tagto qaybta arrivalka ee dadka magaalada galayaa maraan adiga oo sii maraya immigrationka halkaas oo gelitaan (entry) laguugu dhufan doono passportka, ka bacdina shandadadii aad lahayd waxaad ka qaadan kartaa halka shandaddaha laga qaato (Baggage hal), isla marka aad dibeda uga baxdo Airportkana waxaad dib u soo gali karaysaa qaybta laga dhoofo ee departure-ka loo yaqaan adiga oo iska xaadirinaya miiskii ama counterkii Daallo Airlines oo dib laguu jegarayn doono adiga oo shandadiiba save gareystay $100 dollar oo bidaar leh!. Haddiise aad raacaysey Jubba Airways ama Africa Express oo ka baxa dhismaha labaad (Terminal 2), waxaad qaadan kartaa Taxi adiga oo bixinaya lacag dhan 30-40 Dirham oo u dhiganta $10-$15 dollar sidaana ku tagaya counterkii diyaarada aad raacaysey.
Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan, dhoofe, garoonka Dubai waa meel ay adag tahay sida aad ugu luntaa, waa meel aan laga waayin cid ku tilmaanta-haddiiba aad u baahato-waase goob kharashkeedu badan yahay amaba qaalli ah. Waxase muhimadu ay tahay diyaarad kasta oo Soomaaliyeed oo aad raacaysaba, wakhti hore iska xaadiri goobta iyo meesha ay ka socoto hawsha diyaaradu, hana sugin ilaa daqiiqada ugu dambeysa inaad is diiwaangeliso.
Maantana halkaa ha joogto.
La soco qaybaha dambe
Qalinkii
Cabdikariim Cali Baarjeex
Aviation Management
University of West London
baarjeex@hotmail.com

Comments are closed