Safarka Qurbejooga Soomaalidu ku tagaan wadanku inta badan waa FARXAD sii socodka ah iyo FIRXAD soo socodka ah, waa maxay sababtu? Q 2aad
Mar kale Ramadaan Kariim
Qormadii hore waxaynu kaga hadalnay sida ay muhiim u tahay inuu qofku doorto diyaarad iyo dariiq ku munaasib ah safarkiisa si uu uga badbaado caqabado ku yimaada socdaalkiisa. Qormadan maantana waxa aynu ku taataaban doonaa muhimada ay leedahay doorashada Ticketka saxda ahi iyo saameynta uu ku leeyahay safarka qofka.
Sideedaba, waxa munaasib Isla marka uu qofku go`aansado inuu safro billo ka diba ha noqotee inuu booking sii sameysto ama kursigii diyaaradiisa sii carbuunto. Taasi waxay u sahlaysaa inuu heli karo tigit qiimihiisu macquul yahay, ta kale ee ka sii muhiimsana waa isaga oo qofkii xaasiliyey booskiisii, werwer la`aana seexanaya.
Sida aynu ka wada warqabno, Ticketka diyaaradu (Airline Ticket) waa heshiis ay wada galayaan qofka dhoofaya iyo diyaarada qaadaysaa. Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska waxa ka mid ah in diyaaradu qofka iyo alaabtiisaba ay si nabadgelyo ah uga qaado magaalada ama dalka A wakhti la cayimay una geyso magaalada ama dalka B wakhti la cayimay. Intaa waxa raaca shuruudo iyo hadal tiro badan oo aan Soomaalidu isku dhibin amaba xiise badan u haynin akhrintiisa! Waana halka dhibtu ka timaado.
Heerka iyo Derejada Tigidhada diyaaraduhu way kala duwan tahay waxaana guud ahaan loo qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah derejada Koowaad (First class), derejada labaad (Business class) iyo derejada saddexaad (Economy class). Labadan derejo ee hore waxa caadiyan raaca dadka “Tadhahay” ama ay Somalidu tidhaahdo “kor ayuu u kaajay” sidaa daraadeed wakhti badan iyaga kuma lumin doono waxase aan yara taataabanayaa tigidhada derejada saddexaad oo ah halka dadka caadiga ah ee adiga iyo aniga oo kale ahi raacaan!
Tigidhada derejada sadexaad ee diyaaraduhu way noocyo badan yihiin, mudada ay shaqaynayaana way kala badan tahay sida bil, saddex bilood amaba sannad.
Sidoo kale, sicirkooduna wuu kala duwan yahay isku meelba hakaga yaalaan diyaaradee. Waxa dhici karaysa in Cali iyo Caasha oo ku kala fadhiya laba kursi oo isku xiga oo kala horeeyaa inay kala bixiyeen lacag kala badan iyada oo ay taa keenayso derejada ay kala haystaan goobta ama Zone-ha kursigu kaga yaalo diyaarada sida Y class, H class iwm. Tani waa sir ay inta badan og yihiin oo keliya xafiisyada Tigidhada jara oo aan qofka caadiga ahi ogaan Karin. Wakhtiyada qaarkoodna waxaaba dhacda in kursiga derejada Y ku yaala oo banaan inuu xafiiska tigidhadu ka iibiyo qofka kursi aan kaa ka fogayn balse ka qaalisan si uu waxoogaa khidmad ah oo dheeraad ah u helo.
Tigidhada qaarkood qiimahooda ayaa aad u jaban waxaana loo yaqaanaa tigidhada tigtigan (Restricted Tickets). Tigidhadan mar haddii la jaro lama bedeli karo lamana celin karo, waana inaad maalinta iyo saacada ku qoran oo keliya ku raacdo diyaarada. Haddii aad u baahato inaad bedesho maalmaha ama saacada dhoofkaaga taasi waxa ay ku kharash gareynaysaa lacag aan ka yarayn Tigit cusub. Ka sii darane haddii aad ka habsaanto saacada aad ku qoran tahay diyaarada, taa macanaheedu waxa weeye inaad Tigit cusub goosato, lacag hor lehna bixiso waase haddii kursi banaan laguu heli karo.
Ku darsoo Tigitka aad wakhti yar ka hor dhoofkaaga goosataa wuu ka qaalisan yahay Tigitka aad muddo ka hor sii goosato. Sidaa daraadeed, si aanad u kabash-kabashleyn goor xeedho iyo fandhaal kala dheceen, taladaydu waa mar ka horeba ha goosan Tigit tigtigan (Restricted) qiimihiisu haba jabnaadee, haddii ay dhici karto inaad ka baaqanayso maalinta iyo saacada dhoofkaaga.
Wakhtiyada qaarkood, diyaaraduhu waxay iibiyaan tigidho qiimo gaar ah lagu bixinayo (Special fare-offer Tickets). Sida caadiga ahna wakhtiyada aan diyaaradu buuxin ama “karaahiyada” ah sida saqda dhexe habeenkii ama xiliyada salaada subax oo kale ayaa lagu dhoofi karaa tigidhadan. Sidoo kale tigidhadan waxa la ibiyaa bilaha aan dhoofka dadku badnayn sida February ama March ee ay diyaaraduhu sida Raha dhoobada ku dhegsan yihiin iyaga oo sugaya Guga ama xiliyada fasaxa ee dadku aad u dhoofo.
Waxba kuma jabna inaad ku dhoofto Tigit noocan ah haddii aad tahay qof fudud oo saacad iyo goor kasta oo diyaaradu baxaysaba dhoofi kara. Waxase ka fiirsasho u baahan qoyska ama familyga caruur jiidanaya ee habeenimo dhoofaya, lagana yaabo inay ka imanayaan magaalo ka baxsan meesha diyaaradu ka dhoofayso tusaale ahaan qoys ka imanaya Cardiff, Wales kana dhoofaya London Haethrow Airport oo kale. Sidaa daraadeed, qiimaha Tigitkan ee wanaagsani yaanuu kuu qarin saacadaha qalqalooca ee dhoofka, kana fiirso inaad safar kabash-kabash ah oo karaahiyo ah habeenimo bilowdo adiga oo heli karaya inaad habeenkii seexato hurdo raaxo leh, quraac cuurana ku sii dhufato subaxdii ka dibna toobiyaha qabsato ilaa Airportkii oo aad iska xaadiriso miiskii diyaarada (Counter-Check-in desk) adiga oo laagan!
Si la mid ah bixitaanka, waxa iyana muhiim ah inaad goosato Tigit aad ku gaadhi karayso halkii aad doonaysey goor iftiin ah oo aan aadamuhu seexan. Tusaale ahaan, marka aad ka baxayso Europe, America ama Australia ee aad tagayso Dubai waxa haboon inaad magaalada gasho wakhti ka horeeya 10ka habeenimo si aad u abaarto halkii aad ku degeysey una hesho wakhti aad hurdo ka bogan karto ugana nasan karto daalkii safarka si aad maalinta xigtaba u bilaaban karto hawlahaaga adiga oo aan daal iyo caajis toona ku haynin. Haddii aad u sii gudbayso Somaliland/Somalia oo aanad magaalada gudaha u galahaynin waxa haboon inaad fiidka hore gaadho Dubai si wakhti fiican loogu heli karo wareejinta shandada aad sidato oo aanay uga hadhin flightka aad raacayso.
Sida caadiga ah duulimaadyada diyaaradaha Somalidu waxa ay Dubai ka baxaan 3da subaxnimo iyo wixii ka dambeeya. Ogowna mar kasta oo aad goor hore gaadho madaarka Dubai-ba waxa kordhaya fursada ay boorsadaadu kugu raaci karto; mar kasta oo aad dib u sii dhacdona waxa yaraanaysa fursada ay agabkaagu kugula safri karaan. Sidaa daraadeed, go`aanka goorta aad gaadhayso halka aad u socotay adiga ayuu kugu xidhan yahay waxaana asal u ah hadba Tigitka aad goosato maadaama diyaaradaha waaweyni maalintii tiroba dhawr duulimaad ay ku tagaan magaalada Dubai. Tusaale ahaan, Emirates Airlines waxay ka duushaa dalka UK una gooshtaa Dubai maalin kasta 16 duulimaad oo ka kala baxa London, Birmingham, Newcastle, Manchester iyo Glasgow. Halka British Airwaysna ay ku tagto Dubai ugu yaraan 4 duulimaad maalin kasta. Hadaba, dhoofe, dooro wakhtiga kuu haboon.
Tigidhada aan qof kasta oo dhoofaya kula talin lahaa waa tigidhada la bedeli karo maalinta iyo saacada uu qofku dhoofayo ee loo yaqaan (flexible Ticketska). Tigidhadani sida caadiga ah malaha wax qiimo-dhimis ama Discount ah qofkuna waa inuu bixiyaa lacag dhamaystiran (full fare).
Taa bedelkeeda qofku wuxuu xaq u yeeshaa inuu mar iyo laba bedeli karo tigitka lacag la`aan ama qiime yar bixin karo. Tigitkani waa tigitka u haboon qoysaska ama familyada caruurta badan wata ee ay suurtogal noqon karto inay mar iyo lababa dib uga dhacaan wakhtigii safarkooda haddii hawshii loo baqoolay wakhtigaa ku dhamaan weydo amaba ay goostaan inay soo qadimaan maalintii ay baxayeen haddii Xaajiga/Xaajiyada madaxu xanuuno si loola gaadho dhakhtarkii wanaagsanaa (GP-gii) ee ku yaalay xaafada agteeda amaba caruurtu dhibsato dhaska iyo boodhka isla markaana khaati ka istaagaan Dukhsiga duulduulaya ee aanay ishoodu hore u qaban jirin wakhtigii ay qurbaha joogeen!
Guntii iyo gebogebedii, dhoofe, Tigitka aad iibsanaysaa waxa uu saamayn weyn ku leeyahay safarkaaga oo dhan. Sidaa daraadeed doorashada hore ee Tigitku yaanay kaa xumaan, hana noqon sidii Aw Xasankii yidhi “Adeer tigitka ugu jaban ii goo mid waliba way I geyneysaa halkii aan doonayey ina soo celinaysaaye” ee ku banjaray Dubai ka dib markii uu ka habsaamay duulimaadkiisii Dubai-London tigitkiina sidaa kaga gubtay!
La soco qaybaha dambe
Qalinkii
Cabdikariim Cali Baarjeex
Aviation Management
University of West London
baarjeex@hotmail.com