|

Safarka Obama wax ma kabadali karaa siyaasada cakiran ee Geeska Afrika.

Hargeysa,23july,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha dalka maraykanka mr.brack obama ayaa la filayaa in uu saacadda soo socda soo gaadho dalka Kenya, iyadoo halkaasi uga sii gudbi doona dalka itoobiya. Waxaana la filayaa in madaxweyne obama halkaasi kula kulmi doono madaxda wadamadaasi. Waana markii ugu horraysay oo obama yimaado wadamadan. Hadaba su’aasha is weydiinta leh waxay tahay waa maxay danaha siyaasadeed ee maraykanu wakhtiga uu ka leeyahay wadamadan geeska afrika?.

obama3-300x163

Danaha siyaasadeed ee dalka Maraykanka ayaa ah mid si weyn ugu wajahan Geeska Afrika gaar ahaan dalalka Kenya, Somaliya & Itoobiya isaga oo mudo dheer aan ka faaruqin diiradana ku haya muhiimadda uu gobalkaas u leeyahay danaha dalka Maraykanka, waxaana la sheegayaa in uu Madaxweynaha dalka Maraykanka ku wajahan yahay labada dal ee kala ah Kenya & Itoobiya.

Kenya iyo Itoobiya waxaa lagu haystaa arimo la xidhiidha dhanka xuquuqul insaana oo labadooduba loo haysto ayaga oo gaystay xadgudbyo dhanka xuquuqul insaanka inkastoo meesha loo jeedo marka xuquu-qulinsaanka laga hadlayo ay tahay Itoobiya balse Kenya waa lagu lifaqaa si loogu dado dambiyadda waa weyn ee ay Itoobiya maalin walba ciidan keedu gaystaan.

Waxaa kale oo Kenya &Itoobiya wadagaan arimo ay ka mid yihiin dhanka nabadgaliyadda oo mudo dheer ay kala sixiixdeen taas markaa dalka labadoodaba khatarta ku ahaa ama ay u arkayeen in uu bur-burinayo danahooda siyaasadeen uu ahaa dalkii Somaliya oo maanta lagu tilmaami karo in aanu ku jirin saaxadda siyaadadeen waxaana Somaliya ragaadiyay hadheeyayana colaad sokeeye ayada oo aynaan ka madhnayn mid shisheeye.

Maraykanka siyaasadiida uu Afrika ka leeyahay ayaa ah mid aad u fog wuxuuna u arkaa dadaalka ugu muhiimsan ee uu xidhiidhka dhow Afirka kala leeyahay in ay yihiin Nigeria, South Africa, Itoobiya iyo Kenya balse waxa inta badan xidhiidhka ugu badan uu la leeyahay Itoobiya oo uu dhanka nabadgaliyadda dilaal uga yihiin gaar ahaan arimha la dagaalanka Aragagixisada oo inta badan Itoobiya loo adeegsado.

Booqashadda Madaxweynaha Maraykanka Obama ayaa ku soo beegantahay xili ay xukuumadda Itoobiya sheegatay in ay 100% ku gulaysteen doorashii ka dhacday dalkaas bishii May ee sanadkan 2015ka.

Comments are closed