|

Safaaradihii Mareykanka ee Xidhnaa oo Qaarkood Dib Loo Furay Maanta

USembassyWashinton:5-Aug-2013 (SDN)Dalka Maraykanka ayaa Isniinta maanta ah dib u furaya safaaradihii iyo qunsuliyadihii uu ku lahaa Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika, iyada oo 19 ka mid ah hay’adahaas diblomaasi ay xidhnaayeen cabsi dhinaca ammaanka ah darteed.

Safaaradaha ku yaalla magaalooyinka Baghdad, Kabul, Algiers iyo Dhaka, ayaa ka mid ah kuwa Maraykanku uu go’aansaday in maanta dib loo furo.

Saraakiisha Maraykanka ayaa go’aan ku gaadhay xidhitaanka hay’adahan diblomaasi, toddobaadkii horena soo saaray digniin guud, taasoo dadka socdaalaya ee Maraykanka ah ay uga digeen weeraro dhinaca argagixisada ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Axaddii shalay sheegtay in 19 kale ay sii xidhnaan doonaan illaa Sabtida, iyada oo wasaaraddu ay sheegtay in aanay khatar cusubi jirin, laakiin feejignaan dheeri ah la sameynayo.

Safaaradaha sii xidhnaanayana waxa ka mid ah kuwa yaalla magaalooyinka Cammaan, Qaahira, Sanca, iyo Tripoli.

 

Somalidiasporanews.com

 

Comments are closed