|

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Puntland ugu hambalyeysay doorashadii hal qof iyo cod

Muqdisho July 28, 2024(QJ)-Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Puntland ugu hambalyeysay doorashadii hal qof iyo cod ee ka dhacday degmooyinkeeda.

Mareykanka oo ugu hambalyeeyay shacabka Puntland iyo maamulkooda hirgelinta doorashooyinkan, ayaa sheegtay in doorashada Puntland ay tahay tallaabo muhiim ah oo dhabbaha u xaaraysa horumarinta dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Dalalka Soomaaliya ka caawiya arrimaha doorashooyinka iyo horumarinta dimuquraadiyadda ayaa si weyn u soo dhaweeyay doorashada ka dhacday guud ahaan degmooyinka Puntland, halkaasoo ay shacabku ku soo doorteen golahooda deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo sheegata inay ka shaqeynayso sidii doorasho hal qof iyo cod ah loo qaban lahaa ayaan weli si rasmi ah uga hadlin guusha Puntland ay ka gaartay doorashooyinkaas.

Comments are closed